Dab khasaare fudud gaystay oo xalay ka kacay Hoteel ku yaalla Magaalada Hargeysa ee Somaliland

Dab ayaa xalay fiidkii ka kacay Hoteelka iyo kaalinta Shidaalka ee Star ee degmada Maxamuud Haybe magaaladda Hargeysa.

Dabkan oo bilaabmay qiyaastii siddeedii fiidnimo ee xalay ayaan wax khasaare ah oo culus geysan, waxaana ku guntaday oo u gurmadday dadka la jaarka ah Hoteelka Star ee magaalada Hargeysa sida ay HOL u sheegeen goobjoogayaal ka hawlgalay bakhtiinta dabka.
Ismaaciil Maxamed Ciise oo ka mid ah dadka bakhtinayey dabka, isla markaana la jaar ah hoteelka gubtay ayaa ka waramay sida ay wax u jiraan "Dadkii ayaa isku yaacay markii uu kacay ololkii, wax gurmad ahna waxa ka ag dhawaa booyadaha biyaha shirkada Najax iyo qaar dad shacbi ahi leeyihiin", isagoo intaas ku daray "Dadkaasi ayaa si weyn ugu gurmaday, kuna guulaystay inay bakhtiiyaan dabkaa meesha ka dhashay."
Goob joogahan ayaa sheegay dawlada ka helin wax gurmad ah, iyadoo ay wax yar uun u jirto hoteelku Hargeysa oo dabdamiskii madaarka iyo kii dawlada Hoose yaaliin, isago arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi. "Saacad kaddib waxaa yimi dab-damiskii madaarka iyo kii dawladda hoose oo aan biyana ku jirin, ka madaarkuna wax badan nagama foga, kan dawlada hoose laftiisuna nagama durugsanaba."

Xusseen Cabdiqaadir Faarax oo isna ka mid ah dadka meheradaha ku haysta hoteelkan dabka ka dhacay ayaa yidhi " Waxaan u mahadnaqaynaa kanbaniga Najax ee dhismaha oo dedaal ka galay bakhtiinta dabkaas, Xukuumaddana waxaan leeyahay xaafadda sidan ha loo dhaamo." Sidoo kale waxa isaguna arrintan wax ka waydiinay maamulaha Hotel Star iyo Kaalinta Shiidaalka Ismaaciil Cabdi Xassan, waxaanu yidhi, "Khasaare weyni ma dhicin Ilaahay mahadii, kijinka ama kushiinkii ayuu dabku ka kacay," hadalkiisa ku daray. Mar la waydiiyey waxa sababay dabkan dhashay wuxuuna uu ku jawaabay, "Wixii dabka dhaliyey iyo sida uu ku dhashay waanu baadhaynaa, Waana la bakhtiiyay oo Booyado badan oo meesha joogay ayaa noo soo gurmaday."

Hotelkan Star iyo kaalintiisa ayaa ku yaalla Konfurta magaalada Hargeysa, waxaanu u dhow yahay madaarka magaalada Hargeysa.

Inta badan guryaha Hargeysa marka uu dab qabsado waxay ku shub beelaan dabdamis la’aan, magaaladuna ma leh dabdamis ka hawlgala marka ay guryuhu gubanayaan, dadweynuhu waxay arintaasi ku canaantaan dawladda hoose iyo ta dhexeba maadaama oo aan looba sii diyaar garoobin marka ay guryuhu gubtaan wixii lagu bakhtiin lahaa.
Dadweynaha iyo booyadaha biyaha ayaa inta badan ka hawlgala bakhtiinta dabka dhashay, taas oo mararka qaarkood aanay waxba ka qaban Karin, naftoodana dhibaato ka soo gaadho.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes