Naag Somali Caruurteedi Mindi Gelisay

Hooyo Somali ah oo dagan magaalada Winnipeg (Canada) ayaa labadeedi caruur mindi gelisay, cunug baby ah iyo mid sagaal jir ah, mindidaas oo walaasheed kula dagaalantay inay ka qabato. Walaasheedna waxa la sheegay inay mindi gashay la dagaalankaas laakiin isla maalintiiba cisbitaalka laga soo daayay. Hooyada ayaa hada ka hor askarta dhib ka gashay oo ahayd mid ay la socdaan xaaladeeda. Caruurta xaaladooda marki ugu horeysay aad bay u xumayd laakiin iminka wey fiicantahay. Hada ka hor baa qoraalo laga qoray in Somalida dagan gobolkaas ey dhib badan oo ka mid ah maskax xanuun (depression) ku dhacaan iyo wax yaalo ku saabsan caafimaad xunka laga helo qurbo joognimada. Hooyada maxkamad baa la saaray waxana lagu xukumay inay damacday inay disho caruurteeda.
Sawiradan waxa weeye caruurti oo cisbitaal loo sii wado, taas oo la sheegay markaa xaaladoodu way xumeyd iminkase reerki waxay sheegan inay ladnaan doonaan.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes