Naag buu kudbasiraad ku uureeyey kaddib ayuu ka dhuuntay

Mid kamid ah maamulada ka dhisan magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay qof dumar ah oo lagu sheegay da’deeda 39 jir,  naagtaan ayaa leh uur 6 bil ah lama garanayo cidii uu reesay, maamulka ayaa sheegay hadii aysan keenin wax cadeen ah in naagtaan lagu xukumi doono dil.
Naagta ayaa ku an dacooneeso in ninka uu reeyay uu ka dhuuntay kadib markii uu masuuliyada naagta qaadi waayay, waxayna sheektay in uurka uu yahay mid xalaal ah loo maray shareecada islaamka.
Qareenka u doodaya naagta uurka leh ayaa saxaafada la hadlay goor hore ee saakay wuxuuna sheegay in naagta awal aheed garoob kadibne ninka wax uu reeyay uu ahaa xerow (wadaad),  ninka wax uu reeyay ayaa naagta si hoose (qudbo siro) ku qabay, sida uu qareenka sheegay naagta ayaa aheed mid biisha ninka oo fangareeso.
Maamulka ayaa codsaday in la keeno cadeen muujineeso in naagta la qabay, naagta ayaa sheegtay maadaama uu ahaa ninka iyada qabay xerow uu asiga soo kaxeestay asxaabtiisa kale ee xarowga dadbadeedna sidaa uu ku dhacay nikaaxa.
Dadka xaafada dagan ayaa sheegay in aysan arkin wax nin u imaada naagta uurka, dadka ayaa sheegay in ay ku baraarugeen naagta oo uurleh.
Lama oga halka uu ubaxsaday ninka inkastoo ay sheektay naagta in ninka uu ka soo jeedo gobalada Baay iyo Bakool, waxaa wali socda baaritaanka arinta, wixii ku soo kordha waan idin la soo socodsiin doonaa inshaAllah.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes