Gabar Soomaali ah oo lagu weererey masjiid, ohio sababta wa maxay

Gabar Soomaali ah oo degan gobolka Ohio, ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in qof uu kusoo weeraray oo uu ku buufiyay sun, meel dibedda ka ah masjid ku yaalla gobolkaasi, una sheegay inay isaga tagto waddanka, taasi oo dhalisay baaritaan booliiska ay billaabeen.
Saciida Saciid  oo 20 jir ah ayaa sheegtay in ayada oo gaarigeeda wadata ay aragtay nin garai kale wata oo usoo racaaya meesha gawaarida la dhigto masjidka oo ku yaalla dhinaca galbeed ee magaalada Columbus.
Gabadha ayaa u sheegtay weriyayaal in ninka uu ku xad gudbay, u dhaartay, una sheegay inay dalka ka tagto ama uu dili doono, kadibna uu kusoo weeraray sunta dadka indhaha looga buufiyo.
Saraakiisha masjidka ayaa wacay booliiska, una gudbiyay warbixinta dacwad oogayaasha.
FBI-da ayaa sheegtay inay baaritaan deg deg ah ku sameyn doonto arrintan.
Kaamiro ku xiran dibedda masjidka ayaa duubtay dhacdadan.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes