Eedo Indho Shareerka isk fur, wadankaan anaga malihinee

Dhacdo layaab leh oo maanta ka dhacday Muqdisho “Eedo Indho Shareerka isk fur, wadankaan anaga malihinee”
Dhacdadaan oo mid layaab badan ah, uuna layaabi doono ruux kasta oo ay ku jirto Soomaalinimo ayaa waxay maanta ay ka dhacday Garoonka Dayuuraha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho.
Dhacdadaan ayaa waxaa la-kulantay hooyo Soomaaliyeed iyo gabar ay dhashay, isla-markaana hooyada ay dhacdadaan ku dhacday ayaa waxaa lagu magacaabaa Xuriyo Maxamuud Cabdi, hadaba Hooyo Xuriyo ha’inooga sheekeyso bal, sida ay wax u dhaceen.
“Waxaa maanta kasoo baxay gurigigayga saacadu markii ay ahayd 7:00 am, saacadda magaaladda Muqdisho, waxaana u soo dhaqaaqay Garoonka Dayuuradaha ee Aadan Cadde, markii aan Garoonka Aadan Cadde soo galnay ayaa waxaa soo marnay saf dheer, kadib waxaa dadka loo-baaraayay ruux ruux, Ilaahay amarkiis markii tookadeeda lasoo gaaray, ayaa waxaa igu soo leexatay naag Madow Afrikaanad ah, waxayna igu tiri Indha Shareerka iska fur, laakiin aniga ma-fahmin maxaa yeelay luqada English-ga ayay igula hadashay, anna xabad kama garanaayo English-ga, markaa ayaa waxaa nin turjumaan oo Soomaali ah uu igu yiri, waxay kuugu tiri Indha Shareerka iska fur.
Markaas ayaa waxaan ku dhahay maxay tahay sababta aan indha shareerka u furaayo, in cabaar ah waan doodnay, laakiin naagtii Afrikaanada ahayd oo Eey gacanta ku wadatay ayaa si’aad ah igu carootay, markaas ayuu ninkii Soomaaliga ahaa uu igu yiri, Eedo indha shareerka iska fur, wadankaan anaga malihinee.
Runtii markii uu hadalkaasi uu igu yiri ayaa waxaa dareemay in dalkeena uusan xur ahayn, markaas ayaa waxaan iska furay indha shareerka, sidii ayay naagtii ku aamustay, laakiin waxaa ciil iyo walbahaar aan ka muujiyay in naag madow oo Afrikaan ah ay aniga dalkayga igugu taliso.
Waxaa Ummada Soomaaliyeed oo dhan aan u sheegayaa in maanta uu dalka Somaliya uu ku jiro gumeysi dad-ban, waxaana nimankiina warbaahinta ah idin sheegayaa in waajib ay idinku tahay, inaad ka hadashaan gumeysi uu maanta uu ku jiro wadankaynii Soomaaliya.
Waxaan kaloo maanta runta ka sheegayaa in dhibaatada ka jirta dalka Somaliya ay qeyb ka yihiin labada dhinac ee ku dagaalamaaya magaaladda Muqdisho, waa dowladda iyo nimankaan ay ku sheegaan Shabaab.
Ugu dambeen waxaa idin sheegayaa in dhacdadaan aan maanta kala kulmay Garoonka Dayuuradaha ee Aadan Cadde uu ka xumaan lahaa ruux kasta oo ay ku jirto Soomaalinimo” ayay hadalkeeda kusoo gaba-gabeysay hooyo Xuriyo Maxamuud Cabdi oo caawa ku hooyaneysa magaaladda Hargeysa.
Shabakadda Badweyn.com Runta Kama Xishooto.
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
cabdulaahi_heeb@hotmail.com
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes