Dood cilmiyeed ku saabsan guurka qasabka ah oo lagu qabtay Muqdisho

Dood cilmiyeed ku saabsan sida bulshada looga wacyi galin karo guurka qasabka ah ee gabdhaha, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Dooda oo ay soo qaban qaabisay hay’adda wada hadalka bulshada ee CCD, ayaa waxaa ka qeyb galay 200 oo gabdhood, xubno ka socday ururrada bulshada iyo baarlamaanka KMG ee Soomaaliya.
Madaxa haweenka ee CCD, Sahra Maxamed Maxamuud, ayaa sheegtay in dooda ku saabsan wacyi galinta guurka qasabka ah, ay isbuuciiba mar qaban doonaan, si dadka looga wacyi galiyo.
Bishaaro Cabdi Garabeey, oo ka mid ah xildhibanada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka sheegtay madashii dooda ay ka dhaceysay inay wax badan ka badali karto wacyi galintan guurka gabdhaha yar yare e qasabka ah.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes