Nin shiici ah oo aflagaadeeyey hooyadeena Caaisha (RC)oo kansar carrabka ka galay

Mid ka mid ah Hogaamiyeyaashaa Shiicada oo lagu magacaabo Yaasir Alxabiib, balse loogu magac daray Yaasir Alkhabiith, islamarkaana hadda ka hor aflgaado kula kacay Saxaabiyadda Jaliilka ah ee Caas’isha Bintu Abiibakar Asadiiq Allaha ka raali noqdee ayaa waxaa kusoo booday Cudurka Kansarka, isagoona la dhigay  Isbitaal ku yaalla dalka Ingiriiska.
Ninkan Majuusiga ah ayaa waxaa laga deyrinayaa Xaaladiisa Caafimaad, waxaana dhaqaatiirta Isbitaalka magaalada London ee Wadanka Ingiriiska ay sheegayaan in Xaaladda Yaasir Alkhabiith ay tahay mid liidata, islamarkaana uu ubaahanyahay in si deg deg ah xaaladiisa wax loogu qabto.
Daaciga islaamiga ah ee Sheekh Muxamed Alkows oo dhowr bilood ka hor ay dood dhex martay Yaasiir Alkhabiith ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay  in Xaalad Caafimaad darro ay lasoo deristay Majuusiga Shiiciga ah ee sida daran u aflagaadeeyay Ummunaa Caa’isha (Radiyallaahu Canhaa), wuxuuna sheekhu tilmaamay in Khabarkaasi ay u xaqiijiyeen dad ku dhow dhow Majuusiga Shiiciga ah.
Yaasiir Alkhabiith ayaa mar uu  ka qeyb qaadanayay dood ka baxday Tv-ga Alxikma ee laga leeyahay dalka Masar, waxa uu weerar aan leex leexad laheen ku qaaday Ummunaa Caa’isha, isagoona ku sifeeyay inay tahay Zaaniyad, islamarkaana ay ka dambeysay dilka Nabi Muxamed Calayhi Salaam..  laakiin Majuusigaasi waxa uu iloobay in Caa’isha Bintu Abiibakar laga bari yeelay Todobada Samo korkooda.
Daaciga islaamiga ah ee Sheekh Muxamed Alkows oo xilligaasi Yaasir Alkhabiith kala qeyb qaadanayay doodda ka baxeysay Tv-ga Alxikma ayaa waxa uu u rajeeyay in Allah uu ka abaalmarin doono Aflagaadada iyo been abuurka uu kula kacay Ummunaa Caa’isha Radiyallaahu Canhaa, waxaana hadda muuqata in Majuusigaasi uu Allah soo dadajiyay halaagiisa.
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes