Jacaylka maanta

Dhalinta Maanta ayaa noqday kuwa Magaca Jaceylka aanan sifiican u daryeelin iyagoo kuwada ganbanaya Magaca Qiimaha badan ee Jaceyl misana dadka gaarsiiyey heer ay ka amin baxaan jaceylka hadaba Soomaalidu ka gadaal kolkii ay kusoo xoomeen Qurbaha ayaa yaraatay is aaminaadii badneed ee labadu lamaane kalsoonidu iskugu qaadi lahaayen misana uhorseedi lahaa Guurka iyo Iftiinka Nolosha.
Jaceylka Maanta maahan mid xaqiiq ah ama runta hoos jooga waxa jira Dad aanan si dhadhan leh uusan usoo marin jaceelka misana ku sheegay inuu wax soo jeclaaday , Qofku waxa uu dareemaa jaceeelka marka uu qaraarkiisa soo dhadhamiyo ama uu soo taabto Xumaanta jaceylka waa goorta uu garabkaaga ka baxo jaceyl aad mudo aad ubadan soo dhiseesay.
Dhalinta Cusub waxaa dilay Dookh iyadoo aysan ukala saarneen Dookha iyo Jaceylka waxa farqi ahaan u dhaxeeya waxaa jiri kara kumanaan Dhigaaga ah ood isha uun ka jeclaatay balse wali usan hadal idin dhex marin niyada ayaad ka taageersantahay waad ku hanweynathay inaad la wadaagto xariir Balse kuma aysan suura galyn , Laga yaabee in niyadaadu ku tiraah qofkaas ayaadba jeceshahay.
Dookhi ayeey dadku ka dhigeen Jaceyl iyagoo aanan fahansaneen Magaca Guud ee Jaceyl, Waxaad is barateen Gabadh/Wiil Isbuuc gudahiisa waxaad isku sheegteen in qalbiyadiinu isku furan yihiin Wiilka/ gabadha laga yaabee iney ku dhahdo Waan ku Jeclahay, Balse waxaa Xaqiiq ah in qofkaasi weydiin Maxaad igu Jeclaatay? iwm, Lacala markii ay imaatana waa Jawaab aan sidaas Uga Fogeen Ficilka ahna, < Runtii Waxaan jeclahay Quruxdaada, Socodkaaga, Ilkahaga Cac cad,, Gadgaduudan, Indhahaaga Baliisha, Buur buuran, Labiskaaga wacan, Qosolkaaga, Kaftankaaga, Sheekadaada, IWM.
Balse Ma is weydiiyan Beri hadii Quruxdayda iyo midabkeygu is badalaan Maxaa dhacay oo Miyaad iga xiisa dhigeysaa ood inacaysaa Marka sidan si ka duwan usoo labistu maxaad Igu Sameyneysaaa , Waana Su’aalahan dhalinta Maantu is weydiinin marnaba Balse waa Muhiim inaad sifiican uga taxadartaa ruuxa aad qalbiga ufureysid Misana aad aamineysid, Ka Fiirso oo baar wixii ka run ah iyo wixii Ka been ahba.
Abdulfatah Ali Samatar Sablale
Cape Town, South Africa
sablale@hotmail.com
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

4 comments:

  1. Anonymous8/14/2011

    suaaaaaaaaal qoraa mar horena waan kusoo qoray meesha , sida aynu lawada socono cilmi boodhar xidhiidh muu dhex marin hodan waanad ogayd heerkiisu halka uu gaadhay markaa maadaama aad leedahay qofka ilaa aad inbadan wada socotaan jacayl maaha kii cilmi boodhari muxu ahaa ma dookh mise jacayl ? qoraaga ayay kusocotaa su aashu plz kasoo jawaab

    ReplyDelete
  2. Anonymous8/14/2011

    hadii kale waxaydaan hubin meesha hanoogu soo qorina oydaan kasoo fikirin . caruuri ma akhrisanayso waa dad waawayn jacaylkuna uu noocyo badanyahay mid aragti kali ah ad ku jeclaan karto ayaa jira . markaa intaanad so dabicin iska hubi

    ReplyDelete
  3. jamaal dheeg11/12/2011

    asalaamacalaykum
    walaal waxaan idinweydiinayaa farqiga u dhexeeya jacayl iyo dookh iyo faahfaahinta arinkaas

    ReplyDelete
  4. dooth ereygan asal ahaan wuxuu ka yimid afka carabiga ذوق waa dhehden marka af soomaaliga waxaa loo adeegsaday wax laga helo, laakin jacaylka waa wax qalbiga dego mar kasta laga fikiro oo la isku tacallujiyo in helo tusaale waxaad dhahaysaa aniga dookheygu waa gabdhaha dhaadheer waxaad ka wadaa waan helaa laakin jacaylka rasmiga ah dhici karto inaad jaclaato gabdhaas oo dhan laakin waxaad leedahay fartuun waan jeclahay qalbiga ayay igaga jirtaa habeen iyo maalin waan ku fikiraa kan waxaa la dhahaa jacayl

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes