Xisbiga Nabadda iyo Hormarka oo Muqdisho ku qabtay xaflad lagu xusayay maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed

Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ayaa xaflad lagu xusayay maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-may ku qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Xafladdan ayaa waxaa kasoo qayb-galay dhallinyaro aad u badan masuuliyiin iyo waliba dad waayo joogii hore ah oo in badan u soo joogay xaaladda dalka iyo waliba dhallinyaradii hore.
Ugu horreyn, waxaa hadal ka jeediyay xafladda guddoomiyaha xisbiga nabadda iyo hormarinta garabkiisa dhallinyarada Cali Yaasiin isagoo sheegay inay maanta tahay maalin dadka Soomaaliyeed ku weyn, gaar ahaan dhallinyada. wuxuuna xusay inuu farqi weyn u dhexeeyo dhallinyarada xilligan iyo dhallinyaradii hore oo sameeyay ururkii gobonimo doonka ee SYL.
"Dhallinyarii aasaasay SYL Waxay ahaayeen dhallinyaro yar waxayna gaarayeen 13-ruux oo kaliya niyadooda iyo dadaalkooda ayaana dalkan u horseeday xorriyad iyo nabad, " ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga nabada iyo hormarka garabka dhalinyarada.
"Hadda haddii aad maqasho dhibaato oo dhan waxaa kaalinta koowaad kaga jira dhallinyarada, waayo iyagaa waddada taagan, iyagaa wax dilaya, iyagaa isbaaro dhiganaya, iyagaana nabadgalyo la'aanta ku haya dalka," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Sidoo kale, waxaa xafladda ka hadlay Maxamed Gacal Abkow oo ka socday ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed, sidoo kalena ah waayo-jooggii hore wuxuuna xusay in maalintan ay tahay maalin weyn. Dhallinyarada maanta joogtana looga baahan yahay inay noqdaan dad isku xiran oo u dadaala sidii dhallinyaradii SYL oo kale.
"Waxaa imaan doonta in cariishka yar ama jiingada aad ku jirto la isugu yimaado haddii sidaan lasii ahaado, macnaha waxa weeye quful walba wuxuu ku furmaa dadaalka dhallinyarada," ayuu yiri Abkow.
"Waxaan idiin sheegaa in 13-kii dhallinyaro ee horseedka u ahaa in calanka la helo aysan xoog ku keenin, balse ay ku keeneen fikrad mideysan iyo caqli dheelli-tiran," ayuu Abkow hadalkiisa raaciyay.
Dhanka kale, Fanaaniita hobollada qaranka ee waaberi ayaa munaasabadda kusoo bandhigay heesho wadani ah iyo heeso si gaar ah uga hadlaya dhallinyarada Soomaaliyeed iyo waajibka dalkooda ka saaran.

Dhammaan dhallinyaradii iyo mas'uuliyiintii kasoo qayb-galay xaflada ayaa waxay si aad ah u amaaneen qiimaha ay leedahay maanta oo kale iyo waliba ahmiyad ay u leedahay bulshada Soomaaliyeed.

Xafladaan oo lagu maamuusayay 68-sano guuradii kasoo wareegatay markii la aasaasay ururkii dhallinyarada ee SYL ayaa waxay kusoo dhamaatay jawigii loogu talogalay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes