Xildhibaanno sheegay in doorasho xilligan lagu qabto Magaalada Muqdisho ay tahay mid lagu deg-degay

Xildhibaanno maanta warsaxaafadeed kasoo saaray Muqdisho ayaa sheegay inay tahay wax lagu deg-degay in doorasho la qabto, iyagoo sheegay inaan weli la isku afgaran muddo kororsiga baarlamaanka uu horay u sameystay in doorasho la qabtana ay tahay mid ka horimaanaysa sharciga.
Mudanayaashan ayaa sheegay in xilligan uusan Muqdisho ka jirin ammaan la isku soo dooran karo, loona baahan yahay in marka hore la sugo ammaanka si loo gaaro xilli a doorasho dhici karto.
"Qabashada doorashada madaxda dalka waa mid aan xilliga suurogal ahayn, waana in ma marka hore ay xildhibaannadu ay go'aan ka gaaraan warqadii uu madaxweyne Sheekh Shariif ku diiday muddo kororsiga baarlamaanka, taasoo loo baahan yahay doorashada ka hor in la horgeeyo baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Sheekh Cali Woosh oo ku hadlayay afka mudanayaashan.
Xildhibaan Woosh wuxuu sheegay sidoo kale sheegay in xilliga aysan ahayn xilli dalka lagu qaban karo doorasho oo dowladdu ay ku jirto howlo ay wax kaga qabanayso ammaanka, iyadoo doorashada ay u muuqato inay tahay mid lagu diidan yahay howlaha ay dowladdu waddo.
Shalay ahayd markii mudanayaal taageersan guddoomiyaha baarlamaanka ay shir ku yeesheen Muqdisho kaasoo ay sheegeen inay ku ayideen go'aankii QM ee ahaa in la qabto doorasho, iyagoo sidoo kale ka codsaday beesha caalamka inay gacan ka geystaan qabsoomidda doorashooyinka.
Mudanayaashan baarlamaan ee ka horyimid doorashada ayaa hadalkooda kusoo beegay xilli ay si soo baxayaan baaqyo kala duwan oo ku saabsan doorasho dalka lagu qabto, iyadoo xukuumaddu ay horay u soo jeedisay in doorashada dib loo dhigo illaa sannadkan soo socda, si ammaanka loo sugo, balse ay baarlamaanku ku gacan-sayreen arrintaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes