Xildhibaanno iyo wasiir ka hadlay eedeyn loo jeediyay Madaxweynaha dalka Jabuuti raalligelinna ka bixiyay

Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka Soomaaliya iyo wasiirka gaashaandhigga ahna ku simaha ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay eedeyn loo jeediyay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacabkiisa kana bixiyay raalligelin.
Mudanayaasha eedeyntan ka hadlay oo kulan ku yeeshay Muqdisho shalay ayaa raalligelin ka bixiyay hadalkaas oo kasoo yeeray xubno uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo ku shiray Nairobi maalin ka hor.
Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) oo ka mid ah xubnihii gadaal kaga soo biiray baarlamaanka ayaa ku sheegay eedeyntan mid meel ka dhac ku ah dowladda Soomaaliya, isagoo xukuumadda ka codsaday inay tallaabo ka qaado xubnihii eedeyntan u jeediyay madaxweynaha iyo shacabka dalka Jabuuti.
Sidoo kale, mudane Janaqow, wuxuu sheegay in xubnaha hadalkan jeediyay ay hadalka jeediyeen iyagoo mas'uuliyiinta dowladda ka mid ah, hadalkoodana wuxuu u muuqdaa buu yiri mid xiriirka labada dal uu ku go'i karo ama qalqal-gelin kara.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in eedeynta loo jeediyay madaxweynaha iyo shacabka dalka Jabuuti ay tahay mid meel ka dhac ah isagoo raalligelin ka bixiyay.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda KMG ah ahna wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi oo isguna xalay hadal raalligelin ka ah jeediyay Radio Muqdisho oo ku hadla afka DKMG ah ayaa sheegay in mas'uuliyiinta eedeynta u jeediyay madaxweynaha Jabuuti aysan wakiil ka ahayn xukuumadda, wuxuuna sheegay in hadalkaas uu ahaa mid aflagaaddo ah.
Jawaabta ay bixiyeen xildhibaannada baarlamaanka ka tirsan iyo wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa imaanaya kaddib mudanayaal uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka C/weli Sheekh Ibraahim Muuddeey ay kulan ku yeesheen Nairobi ayna ku eedeeyeen madaxweynaha Jabuuti inuu yahay mas'uul ka horjeeda doorasho ka dhacda dalka, uuna kala qaybinayo dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes