Xarrakatul Shabaab oo xalay weerar ku qaaday degmada Garbahaarey iyo ciidamada DKMG ah oo askari dilay

Xoogagga Xarrkatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay weerar gaadmo ah ku qaaday degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay weerarkaas, balse wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG ah ee gacanta ku haya Garbahaarey ay dileen askari ka mid ah ciidamadooda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Garbahaarey ayaa u sheegay warbaahinta in askarigaas ay uga shakiyeen inuu xiriir la lahaa Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, sidoo kalena ay tuhmayaan inuu mas'uul ka ahaa weerar madaafiic ah oo habeen degmadaas ay ku qaaday Xarrakatul Shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan xarunta gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid xooggan oo socday muddo saacad ku dhow, balse uu iskiis u istaagay markii dambe, aysanna arkin wax khasaare ah oo ka dhashay.
Degmada Garbahaarey ayaa shacabkii ku noolaa waxay shalay billaabeen inay isaga barakacaan iyagoo ka baqdin qaba in duqeymaha iyo dagaallada ka socda ay xoogeystaan, maadaama ay Xarrakatul Shabaab sheegtay inay dagaallada sii wadi doonto inta ay dib uga qabsanayso degmooyinkii gobolkaas ee laga qabsaday.
Xarrakada Al-shabaab ayaa ka hadlin weerarkii ay xalay qaaday Garbahaarey, iyagoo xaaladdu ay saakay daggan tahay ayna degmadaas ku sugan yihiin weli ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.
Waa markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda KMG ah ay sheegaan inay dileen askari ay uga shakiyeen inuu xiriir la lahaa Xarrakatul Shabaab uuna hoggaamin jiray weerarrada ay kusoo qaadaan degmada Garbaharaarey oo ah xarunta gobolka Gedo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes