Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabbab oo Odayaal Dhaqameedyo ku Xirxirtay Magaalada Kismaayo

Maamulka xarakada al shabbab ee magaalada Kismaayo ayaa xabsiga u taxaabay ilaa 10 odayaal dhaqameed kuwaasoo oo ay ku eedeeyeen inay u hogaansami waayeen hadal kasoo yeeray maamulka degmada kismaayo.
Arintani ayaa waxaa ay ka dambeysay kadib markii Odayaasha dhaqanka oo ay u badnaayeen kuwa ka soo jeeda beelaha sida weyn u dega jubbooyinka ay ka dhaga adeegeen inay ka soo qayb galaan Kulan loogu baaqay in ay kasoo qeybgalaan oo ka dhacayay xarunta Degmada Kismaayo.
Sida uu HOL u xaqiijiyay Nabadoon ku sugan magaalada Kismaayo oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, amarka lagu xirxiray odoyaasha ayaa ka yimid dhanka maamulka Degmada Kismaayo, waxaana uu sheegay in ciidamada amaanka ay mid mid usoo xireen dhamaanba odoyaashii dhaqanka ee loogu baaqay in ay kulanka kasoo qeybgalaan kuwaas oo tiro ahaan gaarayay 10 Odoyaal Dhaqameed, isagoona sheegay in la dhigay xabsiga dhexe ee Magaalada Kismaayo.
Odayaasha la xirxiray ayaa waxaa ay ka soo kala jeedeen beelaha Ogaadeen, Mareexaan iyo Majeerteen, waxaa ay Xarakada Al-shabaab oga shakiyeen inay taageersanyihiin Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku kala sugan Dhoobley iyo Gedo.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada Kismaayo uu xabsiga dhigo odoyaal dhaqameed ku eedeysan in ay xiriir la leeyihiin dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes