Xamaas iyo Fatax oo saxiixay heshiis



Hoggaamiyaasha labada koox ee ugu weyn ee isku haya siayaasada Falastiin ee Hamas iyo Fatah ayaa saxiixay heshiis dib u heshisiin ah oo lagu dhisayo dowladd loo wada dhanyahay.
Mar uu ka hadalay xaflada lagu saxiixay heshiiska oo ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta Masar, ayaa Madaxweynaha falastiniyiinta oo isla markaa ah madaxa xisbiga Fatah Mohammud Abas ayaa sheegay in Falastiniyiinta ay ka gudbeen boggii madoobaa ee khilaafka.
Furitaankii xaflada lagu saxiixay heshiiska ayaa madaxa sirdoonka ee Masar Murad Muwafi, ayaa amaanay labada dhinac waxuuna sheegay in tallaabada ay qaadeen ay muujinayso niyadooda ku aadan in ay u shaqeyaan danaha dhamaan Falastiniyiinta.
Wariyaha BBCda ee Gaza ayaa sheegaya, in heshiiska uu yahay calaamada ugu horaysa in isbadalka siyaasadeed ee dalalka carabta ka socda ay badali karto colaada u dhaxeeya Israel iyo falastiinta.
Dowladda cusub ee Masar ayaa qayb wayn ka qaadatay in lagu guulaysto heshiiska lagu midaynayo labada dowladood ee fatax iyo Xamaas

BBC Somali
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes