Wiil Shaqasiisa ku waayay fariimo SMS ah oo laga Helay Mobilkiisa

Wararka ka imaanaya dalka soomaaliya qaasatan magaalada boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in nin Dhalinyaraha ah oo magaciisa la yiraahdo mursal quule uu shaqadiisii ku waayay SMS laga helay Mobilkiisa, Fariimaha SMS-ka ee laga helay mursal mobilkiisa ayaa waxaa ka mid ahaa card (Air-Time ) uu u xawilay, gabar ay saaxibo yihiin.

Wariyaheena oo warka eryidaasi maqlay ayaa laxiriiray milkiilaha dukaanka, waxa uuna milkiilaha oo u sir waramaya wariyaheena waxa uu yiri:-
“Wiilkan Dukaankeyga ayuu Shaqaala Ka ahaa Mudda Sanad iyo Bar ah, Waan iska aaminay Hayeshee Maalintii Doraad aheyd oo aan Mobilkiisa isticmaalayay ayaan fiiriyayay Out-Box-ka(Sanduuqa fariimaha lagadirsado) waxaan ku arkay kaarar uu u xawilay qof, dabagal ayaan sameyay waxaanan ogaadey in qofka kaararka loo xawilay ay tahay qof haween ah, anoon mursal mobilkiisa aan dib ugu celin ayaan hadana eegay inta telefoon ee uu wacay mise waa gabadhaba waaxa ugu badan ee uu wacay”, ayuu hadalkiisii ku soo afjaray milkiilaha dukaanka isaga oo ay ka muuqata caro daran.

Sidoo kale warka waxa uu intaa ku daraya in buuga shaqaalaha ee dukaanka leeyahay aan laga arag wax deyn ah oo uu mursal isticmaalay bishaan gudaheeda hadii ay ahaan laheyd air-time iyo lacag cadaanba, taasina waxa ay ku tusinaysaa in mursal uu khiyaamooyin badan sameyay, waxa uuna haatan mursal ka mid yahay raga ku baaga muudeynaya magaalada boosaaso.


Alcarabiya
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes