Wadooyinka Isku Xiran Jubooyinka oo ay Gooyeen Roobab

Iyadoo mudooyinkan danbe  ay gobollada Jubooyinka si weyn uga curteen roobabka xilliga gu’ga ayaa waxa uu hakad ku yimid isu socodkii gaadiidka ganacsiga iyo midka dadweynaha ee isaga kala gooshi jiray qeybo katirsan gobollada Jubooyinka.
Qaar katirsan wadayaasha gaadiidka ka dhex shaqeeya qeybo katirsan Jubooyinka oo HOL u waramayay ayaa sheegay in ay xiranyihiin wadooyinka isku xira qeybaha kala duwan ee gobollada Jubooyinka, gaar ahaanna Magaalooyinka Kismaayo, Afmadow iyo Bu’aale, waxaana ay sheegeen in ay arintani sabab u tahay roobabka xilliga gu’ga oo siweyn uga da’ay gobollada Jubooyinka iyo Wadooyinka oo ah kuwa aad u burbursan oo ay adagtahay in ay maraan gaadiidka marka ay ku da’aan roobabka.
Ibraahim Cali (Geeseey) oo kamid ah wadeyaasha gaadiidka shixnadaha ganacsi geeya Afmadow ayaa sheegay in ay lasoo darastay shaqo la’aan maadaama aysan wadada mari Karin gaadiidka waaweyn ee shixnadaha ganacsiga geyn jiray qeybaha kala duwan ee gobollada Jubooyinka.
“Gawaarida fudfudud ayaa si dhib leh ku mara wadada isku xirta Kismayo iyo Afmadow, waxaa jiro gaadiid fara badan oo sida xamuul oo ku xayiran deegaanka janaacabdalle iyo deegaanno ku dhow dhow kuwaa oo looga soo dhex tagay dhiiriga kadib markii laga saari waayay,” ayuu Yiri Ibraahim Geeseey oo u waramayay HOL
Aalaaba marka la gaaro xilli roobeedyada waxa uu hakad ku yimaadaa isu socodka gaadiidka ganacsiga iyo midka dadweeynaha ee isaga kala goosha gobollada Jubooyinka, waxaana arintani sabab u ah wadooyinka isku xira jubooyinka oo aad u burbursan iyo dhulka ay wadooyinkaasi maraan oo ah dhul ay fariistaan biyaha marka la gaaro xilli roobeedyada.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes