Taliska AMISOM oo sheegay in shaqaalahoodii rayidka ahaa ay Muqdisho u soo rareen si ay uga howlgalaan

AMISOM ayaa sheegtay Isniintii toddobaadkan in shaqaalaheeda rayidka ah ay u rartay Soomaaliya si ay uga howlgalaan, iyadoo ay shaqaalahan horay uga howlgeli jireen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, balse ay hadda kaddib ka howlgeli doonaan Muqdisho.
Wakiilka ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya danjire Babakar Diarra ayaa sheegay in guulaha ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ka gareen dagaallada ka socda Muqdisho ay suurogal ka dhigtay in shaqaalahan loo wareejiyo Soomaaliya.
Shaqaalahan ayaa waxaa hoggaaminayay kaaliyaha ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya Wafula Wamunyiny, kuwaasoo afartii sano ee lasoo dhaafay mararka qaarkood u tagayay Muqdisho shaqo, waxayna shaqaalahan kasoo kala jeedaan dalalka Kenya, Uganda iyo Gaana.
"Qaybta booliiska AMISOM iyo shaqaalahan waxay gacan ka geysan doonaan howlgalka ay ku jiraan ciidamada ka socda Burundi iyo Uganda, si loo gaaro hadafkii loo sameeyay AMISOM," ayuu yiri dajire Diarra.
Ergaygu, wuxuu sidoo kale sheegay in shaqaalahan rayidka ah ay si dhow ula shaqeyn doonaan hay'adaha DKMG ah ee Soomaaliya. Waxayna sidoo kale caawin doonaan sida uu sheegay shacabka Soomaaliyeed.
Bilihii lasoo dhaafay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ayaa guulo ka sheegtay dagaallo ay Muqdihso kula galeen xoogagga Xarrakatul Shabaab oo labadii sano ee ugu dambeysay ka talinayay inta badan magaalada Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM Maj. Paddy Akunda oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay guulo ka gaareen ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya dagaallo ka socday Muqdisho todobaadyadii ugu dambeeyay, ayna ku dhow yihiin suuqa Bakaaraha.

Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay in loo baahan yahay mowqif mideysan oo dhinaca dowladda KMG ah laga helo, isagoo carrabka ku dhuftay in khilaafka u dhexeeya hay'adaha dowladda uu saameyn ku yeelan karo howlgallada milateri ee socda.
AMISOM ayaa waxay howlaheeda ka billowday Muqdisho bishii saddexaad ee 2007, waxaana kaga sugan Soomaaliya 9,000 askari oo ka socda dalalka Uganda iyo Burundi oo noqday dalalka keliya ee ka jawaabay codsigii Midowga Afrika ee ahaa in ciidamo loo diro Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes