Roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada oo ka da’ay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose

Roobab aad u xoogan islamarkaasina ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa waxa ay xalay ilaa saaka ka da’eyeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Xalay Saqdii dhexe ayay roobabka ka bilowdeen magaalada Kismaayo waxaana ay da’ayeen ilaa saaka barkhadii, iyadoona roobabkani ay ahaayeen kuwo aad u xoogan oo biyo dhigay dhamaanba wadooyinka dhex mara magaalada Kismaayo.
Dadka barakacayaasha ah ee ku nool gudaha magaalada Kismaayo ayay roobabkani saameyn ku yeesheen maadaama guryaha ay ku noolyiin ay yihiin kuwo ka sameysan baakado, waxaana ay sheegeen in ay u baahanyihiin bacaha guryada la saarto si ay uga difaacaan dhibicda Roobka, mana jiraan wax qasaare ah oo roobabkii xalay ilaa saaka da’ayay kasoo gaaray dadka barakacayaasha ah.
Roobabkan ka curtay magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli qaar katirsan dadka barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Kismaayo ay ka codsadeen maamulka Xarakada Alshabaab, Ganacstada iyo Cid waliba oo wax u awooda in ay lasoo gaaraan kaalmo bini’aadanimo oo deg deg ah madaama lagu guda jiro xilliga gu’ga islamarkaasina ay u baahanyihiin kaalmo deg deg ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes