Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadaly doorasho dalka ka dhacda iyo maamul goboleedyada soo badanaya

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Max'e0d (Farmaajo) oo safar ku jooga dalka Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay maamul goboleedyada dhismaya, isagoo ku tilmaamay kuwo caqabad ku ah nabad dalka ka dhaca, wuxuuna sidoo kale ka hadlay doorasho ka dhacda gudaha dalka oo lagu soo doorto madax cusub.
Mudane Maxamed C/llaahi ayaa hadalladan ka sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo ay u sameeyeen habeenkii Jimcaha jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Virginia ee dalka Mareykanka, oo uu horay ugu noolaa.
"Maamullada dalka kusoo badanaya waxay isugu jiraan faa'iido iyo khasaare, balse waa kuwo ay dano gaar ah ka leeyihiin dowlado shisheeye," ayuu yiri Farmaajo oo sheegay in faa'idada maamul goboleedyada ay tahay mid ku saleysan nidaamka federaalka ah.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in maamul goboleedyadu ay yihiin caqabad hortaagan nabad ka dhalata Soomaaliya, isagoo sheegay in nin walba intii uu qayb ka qaadan lahaa daganaashaha dalka uu ka doorbiday inuu sameysto maamul goboleed uu ka noqdo madaxweyne, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay qorshayaal lagu kala jarayo dalka.
Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka hadlay doorasho dalka dhacda taasoo lagu soo xusho madaxda dalka, isagoo daboolka ka qaaday in baarlamaanka hadda jira uusan dooran karin madaxda dalka, loona baahan yahay marka hore in lagu sameeyo dib u habeyn.
"Baarlamaanka hadda jira ma dooran karo madaxda dalka, waayo isaga ayaa u baahan in dib u habeyn lagu sameeyo oo la dhimo tirada 550 xildibaan ah, waayo waxaa bishiina nooga baxda mushaaraadkooda nus malyuun dollar," ayuu yiri Farmaajo.
Hadalka ra'iisul wasaaraha ee ku aaddan doorasho dalka laga qabto ayaa imaanaya iyadoo guddiga doorashada baarlamaanka ay dalka Kenya uga qaybgalayaan tababar ku saabsan habka doorashooyinka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes