Qof rayid ah oo xalay kooxo hubeysan ku dilleen Gaalkacyo

Wararka laga hellayo xaafadda Hormar ee magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya Nin rayid ahaa lagu diilay, kadib markii qof ku heysnaa qoriga AK-47 uu ku furay rasaas.

Shaqsiga la dllay ayaa lagu waramayaa in uu ahaa Maclin siweyn looga yaqaanay xaafadda lagu dillay ee Hormar, kaasoo sida la sheegay dhalasho ahaan ka soo jeeday goballada Koonfurta dalka Soomaliya.

Shaqsiga dilka geystay oo sida wararku sheegayaan rasaas iswaarsadeen markii danbe ciidamada Baliiska oo goobta gaaray, ayaa markii danbe baxsaday, waxaana ciidamada u suurtagali weyday in ay gacanta ku dhigaan Ninka dilka geystay.

Dadka deegaannka ayaa siweyn uga xumaaday falka lagu dillay Ninka rayidka ah oo ka dhigayay xaafadda Hormar ee lagu diilay Dugsi Quraan, waxaana ay sheegeen dadka xaafadda in ay arkayeen qofka dilka geystay.

Dilka xalay loogu geeystay magaalada Gaalkacyo qofka rayidka ah ayaa waxaa uu ku soo beegmaya xili xaalada magaalada Gaalkacyo maalmihii ugu danbeeyayba aheyd mid qasan, waxaana maamulka cusub ee dhawaan maamulka Puntland uu u soo magacaabay ay sheegeen in ay wax badan ka qaban doonaan xaalada magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes