Qaraxyo lagu weeraray guddoomiyaha degmada Dharkeynley iyo saraakiil ciidan oo sababay dhimasho iyo dhaawac

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay lix kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo is-xigay oo maanta lagu weeraray guddoomiyaha degmada Dharkeyley Macallin Cabdulle Cali Hilowle iyo saraakiil ciidan oo la socday, waxaana qaraxyadan ay ka dhasheen miinooyin wadada dhinaceeda lagu aasay.
Qaraxyadan ayaa ka dhacay degmada Dharkeynley gaar ahaan meel ku dhow saldhigga Galbeed, iyadoo Macallin Cabdulle uu qaraxyadaas kaddib uu warbaahinta u sheegay inuu ka badbaaday isku-day dil oo lagu qaarijin lahaa.
"Waxaan kasoo baxnay shir waxaana mar qura ka warhelnay qaraxyo ka dhacay hareeraha gaadiidkii ay wateen kuwaasoo mid ka mid ah aan la socday midka kaelna ay la soceen saraakiil ciidan, runtiina taasi waxay ahayd isku day lagu doonayay in la igu dilo," ayuu yiri Macallin Cabdulle.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Dharkeynley wuxuu sheegay inuu arkay qof rayid ah oo ku dhintay qaraxa iyo dhowr kale oo ku dhaawacmay, isagoo sheegay inay jiraan askar qaraxa ku dhaawacmay, isagoo xusay inaysan jirin cid ay u qabteen balse ay socdaan baaritaanno ku saabsan cidda ka dambeysa weerarradaas.
Goobjooge ayaa u sheegay HOL in qaraxyadu ay ahaayeen laba qarax oo waaweyn kuwaasoo dhacay laba daqiiqo gudahood, isagoo xusay inuu arkay dhimahada hal qof iyo dhaawaca afar kale oo shacab ah kuwaasoo ay ku jireen laba haween ah.
Ciidamadii la socday gaadiidka la weeraray ayaa la sheegay inay ka dhaawacmeen laba askari, iyadoo dhaawacyadii oo dhan loo qaaday isbitaalka Madiina si loogu daweeyo, waana qaraxyadii ugu cuslaa oo bilahan ka dhaca degmada Dharkeynley.
Ma jirto cid sheegatay inay weerarradaas ka dambeyso, iyadoo degmadan ay ka mid tahay degmooyinka ay ka taliso DKMG ah ee Soomaaliya, iyadoo qaraxyadan ay kusoo beegmeen xilli guddoomiyaha gobolka Banaadir uu walaac ka muujiyay isku dhacyada u dhexeeya ciidamada dowladda ee kusoo laalaabatay degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes