Qarammada Midoobay oo ugu baaqday madaxda DKMG ah inay xalliyaan khilaafkooda ayna qabtaan doorasho

Golaha ammaanka ee Qarammada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda daganaasho la'aan ee ka taagan Soomaailya, iyagoo sheegay inay tahay midda hoggaanka u haysa dhibaatooyinka ka taagan dalkaas geeska Afrika ku yaalla.
Kulan uu golaha ammaanka ee UN-ku shalay oo Arbaco ahayd ka yeeshay arrimaha dalka Soomaaliya ayay ku sheegeen in daganaasho la'aanta iyo dagaallada sii socda ee taagan ay yihiin kuwa sababay argagaxisada, burcadbadeednimada iyo xaaladda bani'aadamnimo ee kasii daraysa.
Xubnaha golaha ammaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay muddada saddexda sano ah ee xildhibaannada baarlamaanku ay ku kororsadeen muddada ay jirayaan. Sidoo kale goluhu wuxuu walaac ka muujiyay khilaafka u dhexeeya xukuumadda iyo baarlamaanka Soomaaliya.
Wakiilka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Augustine Mahiga oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hay'adaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya uu yahay mid ku saleysan awood-bursi.
Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa labadaba ku mashquulsan sidii ay awoodda dalka u kala riixan lahaayeen.
Labadan mas'uul (Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan) ayaa taageerayaashooda waxay isku khilaafsan yihiin xilliga ay dhacayso doorashada madaxnimo, waxayna labada mas'uul isku hayaan xilka madaxnimo ee dalka.
Golaha ammaanka ayaa kula taliyay madaxda dowladda Soomaaliya inay si dhaqso ah xal ugu helaan khilaafkooda siyaasadeed, iyadoo Mahiga uu sheegay in Sheekh Shariif uu dhowr jeer ku baaqay in lawada hadlo, basle aan weli la xallin khilaafka siyaasadeed ee Muqdisho ka taagan.
Ugu dambeyn, golaha ammaanka ayaa ku taliyay in xukuumadda ay ku dhameystirto howlaha horyaalla inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan, lana qabto doorasho looga baxayo xilliga KMG ah oo ay Soomaaliya u gudbto dowlad dhameystiran.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes