Nin Haweney uu furay kala baxsaday Xaq ahaan meher wixii ay u laheyd

Maalintii Shalay aheyd ayaa waxaa si dhuumaaleysi ah ugu baxay Magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika  A. I. jaamac isaga uu Baxsaday Dalka Angola Kadib Markii isqabqabsi aan dhamaad laheyn uu dhex yaalay isaga iyo haweeney uu bishan dhexdeda uu laba dalaaqo ku furay.
Haweeneyda ay kala tageen A. I.oo magaceeda la yiraahdo M. I. D. oo Shabakada Alcarabiya.ay la xiriirtay ayaa inoo shegtay in ninka ay kala tageen uu kala baxsaday lacag ay meher ahaan ugu lahayd taasoo gaareysa $ 5000 (Shan kun oo Doolar), M. oo Shabakadda alcarabiya u warameysay waxa ay tiri:-
Majecli inaan faah faahin badan idin siiyo laakiin waxaan idiin cadeynayaa in ninkaa aan kala tagnay uu igala baxsaday meherkeyga oo ahaa lacag dhan $5000 (Shan kun oo Doolaar), Meel aan Rasmi ahaan hadda ku sheegi karo majirto ninkaa aan kala tagnay, laakiin Muqalisiin jooga magaalada johannesburg ayaa ii sheegay inuu shalay sii saaraa gaari u socday xagaa iyo naabiibiyo halkaas uu ugu sii gudbi doono Dalka Angolo, ayeey M. Hadalkeedii kusoo Afjartay iyada oo ilmeyneysa”.
Dad xog ogaal ah oo deegaan ahaan dagan magaalada johannesburg ayaa noo sheegay in ninkaa Haaf Dukaan uu kulahaa tuula duleedka ka ah magaalada johannesburg uu si hoose u iibsaday.
Hadaba dhacdadan aadka looga naxo ayaa waxaa haatan garteeda ku jira ehelka labadasi qof ay kawada dhasheen, wixi warar kasoo kordhana waxaan idinkugu soo gudbib doonaa wararkeena danbe haduu alaha awoodda lihi yoraahdo.


 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes