Mid ka mid ah culummada Soomaalida oo ku taliyay inaan doorasho la qaban, dowladda muddo sanad ah lagu daro xilligeeda

Sheekh Maxamed Axmed Nuur (Garyare) oo ka mid ah culummada waaweyn ee Soomaaliyeed oo ku nool dalka Kanada ayaa sheegay in xilligan aan Soomaaliya lagu qaban karin doorasho, isagoo taas sabab uga dhigay inuusan jirin ammaan la isku dooran karo.
Sheekh Garyare oo ahaa aasaasihii ururka Al-Islaax ee Soomaaliya oo wareysi siiyay VOA-da, ayaa sheegay in doorasho xilligan la qabto ay ka horreyso in ammaanka la sugo, sidoo kalena madaxda DKMG ah ay xalliyaan khilaafka dhexdooda ka oogan.
"Ummad nabadgalyo haysata ayaa xukun laga doontaa, balse haddii aad tiraahdo ummad aan nabadgalyo haysan oo aan shacab ahaan u jirin ayaan madaxnimo ka doonayaa taasi waxay la mid noqonaysaa hal bacaad lagu lisay, hoggaamiyahaasna waa mid maslaxadiisa uun doonaya ee aan dan ka lahayn maslaxadda shacabka," ayuu yiri Sheekh Garyare.
Su'aal ahayd sida uu u arko in doorashada madaxda dalka markii ugu horreysay in muddo ah lagu qabto Muqdisho oo mas'uul walba uu ku wareejiyo xilka mas'uulka kale ee la doortay oo ay dhacdo xil isku wareejin daggan oo siyaasadeysan, ayaa wuxuu ku jawaabay:

"In Muqdisho wax lagu doorto waa fikrad caafimaad qabta, balse xaalka muuqda ma jiro wax heshiis ah oo dhexyaalla xukuumadda iyo baarlamaanka, waxaana anigo soo jeedin lahaa intii doorasho lagu mashquuli lahaa in la isku afgarto sameynta maamulka dalka gaarsiiya xilli nabadgalyo ah oo wax la dooran karo."
"Anigu eegaya maslaxadda shacabka Soomaaliyeed waxaan qabaa inaan doorasho la qaban karin xilligan, waayo baarlamaan sax ah ma jiro xukuumad awood lehna ma jirto, balse haddii ay mowqif mideysan yeeshaan waxay dalka gaarsiin karaan xilli wax lagu doorto," ayuu Sheekh Garyare hadalkiisa daba-dhigay.
Mar uu ka hadlay qaabka looga gudbi karo nidaamka KMG ah ee raagay ayaa wuxuu sheegay in laga gudbo nidaamkan ay la saxan tahay, maadaama aysan u madi ku waari karin nidaam meel-ku-gaar ah, wuxuuna xusay in dowladda jirta sannad loogu daro xilliga ay shaqeynayso si ay dalka ku gaarsiisyo doorasho looga baxo marxaladda KMG ah ee lagu jiro.
"Ruxii hadda la doorto wax isbedel ah ma keeni karo, waayo ammaankiisa waxaa sugaya ciidamada AMISOM, isaguna ma heli karo xitaa fursad uu ammaankiisa ku sugo, xaalkuna wuxuu noqonayaa ruux lagu badalay ruux kale oo keliya," ayuu hadalkiisa kusoo afjaray.
Hadalka Sheekh Maxamed Garyare ayaa imaanaya xilli uu cirka isku sii shareerayso doodda u dhexeysa baarlamaanka Soomaaliya iyo xukuumadda ee ku aaddan in doorasho la qabto inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan oo xilliga DKMG ah uu ku eg-yahah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes