Maxaad ka taqaan magaalada Laascaanood?

Akhristayaashayda qiimaha ,sharafta iyo qadarinta iga mudanoow waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa maqaal kusaabsan magaalada lLaascaanood ee gobolka sool, waxa aan  si buuxda idiinku soo gudbin doonaa warbixinteeda oo dhamays tiran.
Magaalada LLaascaanood waa magaala hodana oo aynu odhan karno waa magaalada ugu  qanisan magaalooyinka soomaalidu degto. Magaca Laascaanood hadaan eegno wuxuu ku baxay amaba meesha wuxuu kuyimi, magaaladani waxay ahayd meesha laga heli jiray caanaha ugu badan, waxaa ku noolaa xoolaha ugu badan ee soomaali dhaqato.
Magaaladani aan idhaadee, haday tahay xaga xoolaha waaxaa kunool wax aan ku noolayn magaalooyinka kale. Waana waxaa maanta ugu qaalisan wax lahelo ama ladhaqdo. Magaalada Laascaanood waxay caan kutahay fardaha ,waana halka  ay ku yalaan xarumihii ugu waa waynaa ee daraawiishta. Waxay kale oo ay caan ku tahay geela oo waa halka uu maanta  ku noolyahay geelu. Magaalada Laacaanood waa magaalo hodan ah, runtiina waxay ku jirtaa magaalooyinka qadiimk ah. Waana magaalo soo jirtay ilaa iyo bilowgii qarnigii 19-aad.
Laascaanood waxa kale oo ay can ku tahay dooxada nugaal,  Magaaladu waa goob ay ka soo jeedo suugaan badani. Hadaan aan qaar ka soo qaato abwaaniintii magaalada Laascaanood waxaa kamid ahaa abwaan  Cali Dhuux, Ismaaciil Mire, Cilmi Carab, Xaaji Khaliif.
Magaalada Laascaanood hadaan wax kasheego xaga caafimaadka  waxaa kuyaala laba cisbitaal oo waawayn waxa ayna ka layihiin:
Cisbitaalka guud ee magaalada lLaascaanood oo uu dhisay ingiriiskii.
Cisbitaalka manhal
Kuma koobna xarumaha caafimaad labadan oo kaliya ee  waxa ku yaala goobo badan oo caafimaad.  Waxaa jooga dhakhaatiir aad  aqoon ugu leh xaga caafimaadka, waana kuwo ku xeel dheer xaga cafimaadka.
Hadaan u diga rogto dhanka wax barashada waa magaalo ku hodan ah dhinaca waxbarashada, waxbarasho aad utayo saraysa, waxa jooga macalimiin  ku xeeldheer aqoonta iyo xirfadaha kala duwan .Magaalada Laascaanood waxaa kuyaala  sadex  dugsi sare, waxaanay kala yihiin.
1:Ilays education secondery
2:Nugaal secondery
3:Abyan secondery
Xaga dugsiyada hoose dhexe  hadaan eego inkastoo aanan soo koobi karin waxaa kuyaala:
1:ilays hoose dhexe
2:imaamu shaafici hoose dhexe
3:Abyan hoose dhexe
4:Macalin jaamac hoose dhexe
5:Gol khaatimo hoose dhexe
6:umu salama hoose dhexe
Magaalada Laascaanood in ay soo jireen tahay waxa inoo sheegaya goobaha muhiimka ah ee  kuyaala, sida ayada hoy u ahayd  ciidamadii darawiishta ilaa hadana ay kasii dhisanyihiin xarumahoodii. Waxa aan rajaynayaa in ay ahaandonto mid si horu marin doonta taariikhdeeda. Waxaan filayaa dad badan oo iswaydiin jiray maxay tahay Laascaacood in ay ka jaahil bixi doonaan garana doonaan magaalada Laascaanood iyo qiimaheeda.
Halkan hoosena waxa aan ku soo qorayaa tix ku saabsan magaalada ee ku raaxaysta:
Laaciyo caleemaha
Laanteena dhabigaa
Ludeenii bulshada iyo
Ladaneey dhudeenii
Laaskeeni caanaha
Laydheedu hiigsiga
Laamihii dal xiiskiyo
Laascaanood bal soo arag
Leehadkii bilnaaiyo
Libtii laysku dhaafiyo
Liidii abwaanada
Lugadii nugaaliyo
Lidii caafimaadkiyo
Ladaneey dhulkeenii
Laamihii dalxiiskiyo
Laascaanood bal soo arag
Waxaan halkaas  kaga bixi doonaa  maqaalkii aan mudada ku soo dhex jiray.  Waxaanan filayaa in aan inbadan u iftiimiyay magaalada Laascaanood oo ku fakaraayay tolow yaa war buuxa kaa siiya. Waxaanan leeyahay sidaa iyo akhris wanaagsan Allahna hayna waa fajiyo  dariiqada saxda ah. Wax kastana Allah hayna siiyo khayrkiisa Allahna sharkiisa haynaga nabad galiyo
Halhayskaygu waa
“waxaan haybiyaa nabad waxaan hiigsadaa guul iyo horumarka bulshadayda”
ALAA MAHADLEH
Nafisa x.ciise yuusuf{kalgacal}
hadhwanaag.com
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

1 comment:

  1. Anonymous3/24/2012

    viva laascaanood waa magaaladaydii viva madareemin

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes