Markab dagaal oo Denmarka ay leedahay oo xoog ku furtay markab dilayna qaar ka mid ah burcadbadeeddii

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Denmark ayaa xoog ku furtay 16-qof oo Iiraan u dhashay, iyagoo dilay afar ka mid ah kooxihii burcadbadeedda ahaa ee haysta shaqaalahaas, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay ciidamada badda Denmark soo saareen Axaddii.
Toban ka mid ahaa burcadbadeedda ayaa sidoo kale lagu dhaawacay dagaalka subaxnimadii hore ee Khamiista dhexmaray iyaga iyo ciidamada Denmark ee la socday markabka dagaal ee lagu magcaabo Esbern Snare.
"Kooxda 16-ka qof ka kooban ee xoogga lagu furtay waxay sugayaan inay la kulmaan ehelladooda," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka ay soo saareen ciidamada Denmark. "Ma jirto cid ka mid ah dadka xooggan lagu furtay iyo ciidamadii weerarka qaaday oo wax ku noqday dagaalka," ayaa hadalka la raaciyay.
"Afartan burcadbadeed ee la dilay waxaa lagu aasay badda, iyadoo la raacayo xeerka NATO iyo dhaqanka Islaamka," ayaa warsaxaafadeedka looga hadlay dhacdan lagu sheegay.

"Dadkii la furtay xaaladoodu waa wanaagsan tahay," sidaa waxaa yiri Kenneth Neilsen oo ah afhayeenka ciidamada la socda markabka Denmark oo la hadlayay telefishinka TV2 ee dalka Denmark.
Sidoo kale, 24 burcadbadeed oo la qabtay ayay sheegeen ciidamadu inay ku hayaan markabka dagaal dushiisa, doonitii ay wateenna oo ahayd nooca waaweynna la quusiyay.
Dhaawacyadii burcadbadeedda ayuu sheegay afhayeenka markabka dagaal inay u sameeyeen daweyn ayna xaaladoodu aad u wanaagsan tahay, waxaana weerarkan uu imaanaya xilli burcadbadeedda Soomaalidu ay gacanta ku hayaan qoys Denmark u dhashay oo ay ka doonayaan madaxfurasho lacageed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes