Maraykanka oo qaniimo ka helay Bin Laden

Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Maraykanka ayaa sheegay in weerarkii lagu dilay Osama Bin Laden ee dalka Pakistan ay ka heleen qaniimadii ugu weyneyd ee xagga mukhaabaraadka ee abid laga helo qof argagixiso lagu tuhunsan yahay. Sarkaalku waxaa uu sheegay inay caddaan tahay in dhismaha weyn ee Bin Laden lagu dilay uu ahaa xarunta taliska iyo maamulka Al Qaacida iyo in Bin Laden qudhiisu uu ahaa kan gacanta ku haya maamulka ururka.

Sarkaalku waxaa uu hadlay iyadoo dowaldda Maraykanku ay soo saareen shan cajaladood oo video ah oo la soo qabtay intii uu socday weerarka Bin laden lagu dilay. Mid cajaladaha ka mid ah waxaa sida muuqata la duubay sanadkii hore, waxayna muujinaysaa isagoo farriin aan la sii deyn u jeedinaya dadka Maraykanka. Kuwa kale waxay muujinayaan Bin Laden oo isagu barnaamijyo uu duubay television is-ka daawanaya, farriinta video-gana dusha ka qaybaya.

BBC Somali
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes