Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo booqday xarun loogu soo dhaweeynayo dhallinyarada kasoo goosta Al-shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday shalay xarun loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo dhalinyarada kasoo goosta kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku ku wehliyey booqaashadan wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha Ibraahim Yaroow Isaaq, talliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Shariif Sheekhuna May, ku xigeenka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi iyo Jen. Nathan Mungisha oo ah taliyaha ciidamada Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh ayaa sheegay in xaruntan lagu daryeeeli doono dhallinyarada sida isdaba-joogga ah uga soo baxsaneyso Al-Shabaab. Xaruntan ayuu madaxweynuhu balanqaaday inay dhallinyarada ka heli doonaan daryeel isugu jiro waxbarasho, caafimaad iyo nolol ka wanaagsan tii hore ay u heysteen.
Ugu danbeyntii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa u mahadceliyay dhammaan hay'adaha iyo dadkii gacanta ka geystay dib u dhiska xaruntan.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
mabdalla@presidency.gov.so

Hiiraan online 
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes