Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay dhigiisa dalka Kenya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa kulan  kula qaatay aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi dhigiisa Kenya  Mwai Kibaki.

Labada masuul oo horayna isugu soo arkay xafladdii lagu dhaarinayay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni ayaa  isla soo qaaday xaaladahii ugu dambeeyay ee dalka Soomaaliya iyo gobolkaba.


Madaxweyne sharif  oo la taagan madaxweyne Kipaki, Ra'iisul wasaare Odinga iyo Saitoti

Madaxweyne Shariif ayaa ka warbixiyay waxyaabihii  dawladiisa u qabsoomay isagoo sheegay in Alshabaab ay meelo badan ka qabsadeen caasimaddana 70% ay haatan ku jirto gacanta dawladda.

Shariif waxaa uga mahad celiyay Kenya taageerada ay siiso dawladda Soomaaliya iyo marti-galinta boqollaal kun oo qaxooti Soomaali ah oo ku noool xeryaha qaxootiga iyo magaalooyinka .

madaxweyne Shariif ayaa tilmaamay in dawladiisu ay doonayso hal sano oo dheeraad ah si loo dhammays-tiro hawlaha qabyada ah iyadoo bisha August ee sannadkaan uu ku egyahay xilliga dawladu.

Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa dhankiisa ballanqaaday inuu taageerayo dadaallada lagu soo celinayo xasilloonada  dalka Soomaaliya.

Kibaki ayaa ku boorriyay Shariif isu keenidda Soomaalida iyo samaynyta dastuur dalka lagu kala hago, waxaana uu codsaday in qurba-joogta Soomaalida laga qayb galiyo samaynta dastuurka iyo xal u helidda dhibaatada dalka haysata.

Waxaa socdaalka madaxweynaha ku weheliyay wasiirkiisa arrimaha dibadda Maxamed C/laahi Oomaar, wasiirka warfaafinta C/kariin Xassan Jaamac iyo saraakiil kale oo dawladda ka tirsan.

Waxaana uu kulankani imaanayaa iyadoo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka codsadeen Baarlamanka iyo Xukuumadda Soomaaliyaba inay suura galiyaan sidii doorasho looga qaban lahaa dalka inta aan la gaarin bisha August ee sanadkan 2011-ka.

Axmed Cabdisamad Cilmi,Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes