Maamulka Dooxada Shabeelle iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku dagaalamay duleedka degmada Baladweyne

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in habeenkii Jimcaha ay dagaallo ku dhexmareen duleedka Bari ee magaalada Beledweyne xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo maamulka Dooxadda Shabeele.
Dagaalka oo ka dhashay weerar ay qaadeen xoogagga xarrakada Al-shabaab, ayeey wararku sheegayaan in labada dhinac isku adeegsadeen noocyada hub-ka, waxaana jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac la warinayo in dagaallku ka soo gaaray garab-yadii uu dhaxmaray.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Xarrakada Al-shabaab oo ku aadan dagaallkii xalay dhacay, waxaana saakay degan goobihii ay xalay ku dagaallameen labada dhinac.
Dagaallka xalay ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ayaa u muuqday mid daba jooga weerar sadax habeen ka hor ka hor lagu qaaday saldhiga magaalada Beledweyne, kaasoo mas'uuliyadiisa ay sheegteen maamulka Dooxada Shabeele ee ka dagaallama goballka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes