Kooxda Alshabaab oo soo saareen qaanuun la xiriira Aroosyada

habaab Amaro xoogan dulsaaray Aroosyada goobaha kataliyaan(Talow maxay tahe)
Kooxda shabaab oo gacanta kuheeso qeybo badan K/furta dalka Somalia aya caawa Amaro aan caadi ahayn kasoo saartay aroosyada kadhaca goobaha gacanta kuhayaan

Amarkaas ayaa soo dhigeen warbahinta kuhadasha afkooda iyagoo u aqriye gudoomiyaha sh/hoose shabaab oo shegay in aroosyada lagu galbin Karin gawaarida raaaxada
Wuxuu qeexay in aroosyada ka dhaca degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose aanan lagu bixin kareyn hanti fara-badan, isla-markaana wuxuu shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeellaha Hoose uu ugu baaqay, in qarashaad yar ay ku bixiyaan aroosyada.wuxuuna carababay in ladhaafsiin Karin 400$ dolar hadii laga yareen karo macquul tahe
Sidoo kale wuxuu sheegay in amarkani uu ku wajahan yahay guud ahaan degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo intaasi ku daray in amarkani uu dhawaan hir-gelli doono.
Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Xarakada Al Shabaab Sheekh Maxamed “Abuu Cabdalla”, ayaa wuxuu ku goodiyay cidii u hogaansami weydo amarkani, inay ka qaadi doonaan talaabo adag, wuxuuna shacabka uu ugu baaqay inay u hogaansamaan amarkani.
Sido kale arintaan aya caawa dhalisay in hadlaan  gabdhaha  kudhagan Gobolka /hoose iyagoo  qar katisan dumarka lahadleyn warabhinta muqdisho shegeyn in shabaab  qiima yari kurideen gabdha sobaxaayo hada madaama  lagu guursanaayo lacag aan sidaa u buurneen gabarna intaas kufaani Karin shabaabna gabar guurkeed wax aan ka gelin sida ey yiraahdeen qaar kamid ah gabdhaha kudhaqaan Degaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho
Ugu danbeyntii arinkaan aya aad usoo dhaweyeen wiilasha kudhaqan isla Gobolkaas iyagoo shegeyn in shabaab  sameyeen arin aad u fican mar gabdhihi ku amrijireen in lacag 1000$ ame kabadan kubaxdo arooska dhalinyarada aan awood u laheen
Isku sowada duub ma ahan  markii ugu horeesay shabaab amaro ceynkaan kusoo rogaan dadyowga kudhaqan goobaha gacanta kuhayaan iyadoo sanad kahor amar nucaan oo kale kusoo rogeyn magaalaada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan
Cabdulaahi Cabdi Xaashi
cabdulaahi_heeb@hotmail.com
Muqdisho-somalia
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes