Khilaafka labada Shariif oo Dhaqaale ku soo kordhiyey Hoteelada Muqdisho

Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay arrintaani keentay in xildhibaanada Baarlamaanka maalmahan yeeshaan shirar isdaba joog ah kuwaas oo lagu qabanayo Hoteelada waaweyne ee Magaalada Muqdisho, waxayna qolo waliba soo saartaa hadalo ay ku ridinayaan kullan ka horeeyey oo ka dhacay isla Hoteelada Muqdisho.
550-ka Xildhibaan ayaa haatan waxay intooda badan ku soo uruureen Magaalada Muqdisho kuwaas oo doonaya in ay taageero u muujiyaan hadba mas’uulka ay gacantiisa ku qancaan ama ay ka heli karaan taageera dhaqaale, waxaana mararka qaarkood dhacda in labo Hotel oo iska soo horjeeda lagu kala qabto kullamo lagu kala taageerayo Madaxweynaha DFKMG Sheekh Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Mid ka mid ah Milkiilayaasha Hoteelada oo an arrintaan wax ka weydiiyey diidayna in magiciisda la sheego ayaa waxa uu yiri “Maalmahann aad ayay shaqadeenu u badan tahay waxaana na soo gala Dhaqaale fara badan”, waxa uuna Milkiilahani u muuqday in uu door bidayo in is-haysigu u dhexeeya Labo Shariif iska sii jiitamo, sidoo kale Milkiilahani waxa uu sheegay in Dhaqaale badan maalmahan ka soo xaroodaan Musharixiinta isu soo taageysa jagada Madaxweynimada Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in maamul gobaleedyadii maalmahan la sameynayey uu dhaqaale badan ka heleen Hoteelada Muqdisho.
Mas’uul ka tirsan Hay’adaha NGO-da ayaa isagoo careysan oo ka soo baxay mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho waxaana weydiiyey waxa ka careysiiyey, wuxuuna sheegay in siminaar ay ku qaban lahaayeen Hoteelka ay ka hor istaageen xildhibaano lacag wata isla markaana markay Milkiilihii Hoteelka la kulmeen uu ku wargeliyey in saddexda Todobaad ee soo socota uusan boos ka banaaneyn Hoteelka gaar ahaan Hoolalka lagu qabto shirarka isla markaana sidaas uga soo tagay haddana uu garan la’ yahay meel uu ku qabsado siminaarka.
Khilaafka u dhexeeya Sheekh Shariif iyo Shariif Xasan oo horey siyaasadda saaxiibo ku ahaa ayaa haatan u muuqda in ay sii kala fogaanayaan, arrintaana waxay ka faa’iideystay Xildhibaanada Baarlamaanka oo la kala saftay inkastoo ay jiraan Xildhibaanada qaar oo labada dhinac ka Bariiseeya, nin Xildhibaan ah ayaa igu yiri “Maalmahan waxaa isugu kay darsamay Dhaylo iyo xooggaa jeeb gelis ah, waxaana fiicnaan lahayd in ay sii soco ilaa iyo inta ay doorasho kale ka qabsoomeyso”.
Dowladda Federaalka Gaar ahaan Xukuumada Farmaajo ayaa digniin ka soo saartey in aan Hotel lagu qaban Karin wax Shir ama kulan ah oo aysan Dowladda Federaalka ka warqabin , Sidoo kale waxay ka digtey in aan la qaban Karin wax Banaanbaxyo ah oo aysan Dowladda Federaalka aan Xukuumada fasax looga haysan , hase yeeshee qaar ka mid Xildhibaanada Baarlaaanka ayaa waxay u soo jeediyeen in Xukuumada Farmaajo ay dhex dhexaad ka noqoto Khilaafka u dhaxeeye Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka , sidoo kale waxay uga digeeen Xukuumada Farmaajo in aysan Caburin Rabitaanka Shacabka iyo weliba Kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka.
Qarashka maalin walba lagu bixiyo Hoteelada waaweyn ee ay bixinayaan labada dhinac ee ishaysta ayaa waxaa xaqiiqo ah in Kharashkaasi lagu soo qaaday magaca dadka Soomaliyeed ama uu yahay daqli ka soo xarooday ilaha dhaqaalaha Soomaaliya sida Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha taas oo ahayd in dadka wax loogu qabto laakiin waxaa loo leexiyey in dad gaar ah ka faa’iideystaan iyadoo aan ognahay in Gobolada dalka Soomaaliyeed dhawaan ay ka bilaabmeen dhimashada Dad iyo Duunyo kadib markii ay Abaaro xoog leh ku dhufteen.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes