Jaamacada Golis oo casho sharaf u samaysay 42 hablood oo noqday umulisooyin

Jaamacad gollis ayaa 42 hablood casho sharaf ugu sameysay habeen hore hoteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Hablahaas oo cilmiga caafimaadka ee umulisanimada ka dhameystay cusbitaalka Edna Aadan  Maternity Hospital ee Magaalada Hargeysa.
Waxa aanay hablahani baranayeen aqoonta mid-wife-ka ama umuliso-nimada 18 bilood. Waxaana shahaadooyinkoodii lagu gudoonsiyey hotelka Maansoor. Isla mar ahaantaana  gudoomiyaha jaamacada golis uu ugu sameeyay casho sharafta xalay. Hablahani waxa ay ka kalayimaadeen qaar ka mida ah gobolada dalka s/land .
Waxa ugu horayntii halkaasi ka hadlay Ahmed Jaambiil Suldaan oo ka mid ah  maamulka sare  ee jaamacada golis. unu usheegay ardayda qalinjabisay sababta maamulka jaamacadu ay casho sharafta ugu sameeyay ay tahay iyagoo  kala qayb qaadanaya farxada iyo raynraynta, maadaama oo ay ardaydu gaadheen guulo iyo horumar la taaban karo.
Sidoo kale wuxuu Axmed Jaambiil Suldaan ugu mahad naqay  ardayda  qalinjabisay fulinta shuruudihii adkaa  ee ay la soo galeen maamulka cusbitaalka Edna markii ay bilaabayeen barashada aqoonta  umulisonimada. Taas oo runtiina ahayd buu yidhi  wax loobahanyahay si aanu ardaygii uga mashquulin waxbarashadiisa.
Dr.Edna Aadan Ismail oo iyana halkaasi  hadalo kooban  kasoo jeedisay ayaa  ugu horeyn u mahadnaqday jaamacada Golis, iyada oo sheegtay  in ay tahay markii ugu horeysay ee arday intaa leeg ay jaamacadu qaabisho. Dhanka kale   waxay usoo jeedisay gabdhaha dhiiri galin iyo talo ah in ay waxbarashadooda dib u sii wadaan.  Waxa ay Dr. Edna carabka ku dhufatay in ay aqoontu tahay  geed gunta laga waraabiyo oo ladayactiro si aanu uqalalin, sidaasi  awgeed ku dhiirigalisay ardayda in loo baahanyahay waxbarasho sii socota si aanay bay tiri aqoontoodu u qalalin.
Sidoo kale waxa gabagabadii xaflada casho sharafta ka hadlay gudoomiyaha jaamacada gollis Dr. Siciid  Axmed Xasa. Sicdiid Axmed waxa uu ugu horeyn umahad naqay  42-kan hablood ee ka qalin jabiyay cusbitaalka Edna iyo Dr Edna  aadan ismail oo mudan buu yidhi in aad iyo aad loogaga daydo bini aandannimada iyo wadaninimada ay had iyo goor muujiso .
Waxaanu gabdhahan bartay umulisonimada  kula dardaarmay in ay sii wataan waxbarshadooda, gaar ahaan cilmiga caafimaadka. Isla mar ahaantaana wuxuu sheegay in cilaaqad iyo wada shaqayn fiicani ka dhaxayso  jaamacada gollis iyo Edna hospital, gacmo furana ku soo dhawaynayaan  ardayda diplomada kasoo qaatay halkaasi, una baahan  in ay qaatan shahaado degree ah.
Gudoomiyaha jaamacada Dr. Siciid Ahmed Hassan waxa kale oo uu intaasi ku daray in ardaydii hore ee ka dhamaystay caafimaadka Edna University Hospital, haatana dhigta kuliyada caafimaadka ee jaamacada gollis ay yihiin kuwa ugu cilmiga iyo akhlaaqda wanaagsan.
Gabdhahan ka qalin jabiyay hospitalka Edna ee Hargeisa ayaa ah dufcadii 2-aad ee ka qalinjabisay aqoonta umulisonimada, waxa aanay wax badan ka taridoonaan macahdyada, cusbitaalada goboladii ay ka yimaadeen iyo guud ahaanba hooyooyinka s/land.
(source: hadhwanaagnews.com)
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes