Iskahorimaadyo u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta dalka Masar oo ka dhacay magaalada Qaahira

Axad, May 08, 2011 (HOL) Ciidamada dalka Masar ayaa xiray 190 qof oo lagu eedeeyay inay huriyeen dagaallo u dhexeeyay muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas oo ka dhacay Qaahira, iyadoo la sheegay in maxkamad la saari doono, sida lagu sheegay war kasoo baxay milateriga dalka Masar.
Maxkamadda ciidamada ee dalka Masar ayaa amar ku siisay ciidamada inay ka hor-tagaan dagaallo dambe oo dhaca. Waxaana dagaalladii dhacay xaafadda Imbaba ee Qaahira ku dhintay 10 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 186 qof, oo la sheegay in 10 qof oo ka mid ah ay xaaladdoodu halis tahay.
Ra'iisul wasaaraha Essam Sharaf ayaa joojiyay safar uu ku tegi lahaa dalalka Baxrayn iyo Imaaraadka Carabta, isagoo kulan deg-deg ah isugu yeeray golihiisa wasiirrada si looga hadlo dagaalka u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta dalkaas.
Dagaalkan ayaa billowday markii kumannaan qof oo ka tirsan kooxda Salafiya ay isku gadaameen kaniisad lagu magaacabo Coptic Saint Mena, taasoo ay sheegeen in lagu hayo gabar muslintay oo guursatay wiil muslim ah.
Gabadaha la sheegay in lagu hayo kaniisadda ayaa horay uga tirsanayd kooxda masiixiyiinta ah balse waxay go'aansatay inay islaamka u wareegto, taasoo ay ka caroodeen ehelladeedii oo weli masiixiyiin ah.
Kooxaha dagaalamay ayaa isku adeegsaday hubka qaraxyo, rasaasta fudud iyo weliba aalado kale oo lagu dagaalamo, waxaana muslimiintu ay gubeen intii uu dagaalku socday kaniisad ku dhow halka lagu dagaalamay.
Ciidamada Milateriga dalka Masar ayaa la wareegay maamulka goobihii ay dagaalladu ka dhaceen, waxaana ciidamadu ay isku daydayaan inay ka hortagaan dagaallo kale oo dhexmara muslimiinta iyo masiixiyiinta.
"Golaha sare ee ciidamada dalka Masar ayaa go'aan ku gaaray in dhammaan dadka loo qabqbatay inay rabshaddan ka dambeeyeen oo gaaraya 190-qof la geeyo maxkamad," ayuu golahan ku sheegay barta Facebook-ga ah ee uu leeyahay.
Bishii Maarso ee sannadkan ayaa dagaallo dhexmaray muslimiinta iyo masiixiyiinta dalka Masar waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof, waxaana dagaalku uu ka billowday markii nin masiixi ah guddoomiye looga dhigay magaalada Qena, iyadoo dibadbaxyadii dhacay ay sababeen inuu xirmo xiriirka dhinaca gaadiidka ah ee u dhexeeya Masar iyo Qena.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Hiiraan.com
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes