Iskahorimaadyo goos-goos ah oo ka socda Muqdisho iyo madafac dab ka kiciyay dhimse ku yaallaBakaaraha

Weli waxaa magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya laga maqlayaa rasaas ay is-dhaafsanayaan ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab, iyadoo saakay uu madfac dab dhaliyay ku dhacay mid ka mid ah dhismayaaha dhadheen ee suuqa bakaaraha.
Iskahorimaadyada goos-gooska ah ee saakay dhexmaraya dhinacyadan oo ku hardamaya gacan ku haynta Muqdisho ayaa daba socda dagaallo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku dhexmaray caasimadda Soomaaliya dhinacyadan hubeysan.

Dhismaha gubtay ayaa ku yaalla isgoyska Holwadaag oo ka mid ah isgoysyada hareer mara suuqa Bakaaraha, waxaana dhismaha gubtay uu horay u ahaa hoteel inkastoo hadda aysan jirin cid daggan.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in madfac qaybta sare ee dhismahaas ku dhacay uu sababay dab xooggan oo gubay qaybo ka mid ah dhismahaas, waxaana madfaca uu sidoo kale burbur u geystay dhismahaas oo ka kooban afar qaybood oo is-dulsaaran.
Dagaal shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay lix qof oo ay ku jiraan dhinacyadii hardamayay, iyadoo Xarrakatul Shabaab ay soo bandhigtay mid ka mid ah laba askari oo ciidamada AMISOM looga dilay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho.
Afhayeenka guud ee Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in askariga la dilay uu imaanayo xilli ay u dabaaldagayaan shacabka dalka Uganda caleemo saarka madaxweynahooda, kaasoo uu ku tilmaamay in go'aankiisu uu yahay inuu caruurtooda ku laayo dalka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes