Hogaamiye Ahlusunnah oo u dhintay dhaawac dagaalki Gedo



Hogaamiyaha urur diimeedka Ahlu Sunna Waljameeca ee Koonfurta Soomaaliya islamarkaana ahaa g/xigeenkii Ahlusunnah Sheekh Xassan Sh. C/raxmaan (Qoryooley) ayaa ku geeriyooday magaalada Nairobi halkaas oo loo geeyay daweyn dhaawac soo gaaray.

Sh. Xassan ayaa miino dhulka loogu aasay waxa ay waxyeelo ka gaarsiisay dhanka wajiga iyo madaxa, sida loo xaqiijiyay shabakadda Calanka, waxaana dhaawacaasi kadib loola cararay magaalada Nairobi.

Waxa uu hogaaminayay dagaalada ay Ahlusunnah ka wado gobolada koonfureed ee Soomaaliya.

Miinada ayaa wadaadka loo galiyay wadada isku xirta Luuq iyo Garbahaarey, waxaana masuuliyadda miinadaasi sheegtay kooxda Al-Shabaab oo dirir ka dhaxeysay.

Dhimashada Sh. Xassan ayaa ku soo beegmeysa xilli inta badan gobolka Gedo ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo maleeshiyada Ahlusunnah.


  source :Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes