Garabka dhallinyarada Xisbiga Nabadda iyo Hurumarka oo ku qabtay Muqdisho dood ku saabsan doorka dhallinyarada ee Nabadda

Dood-wadaag ku saabsan kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabada iyo horumarka dalka ayaa Jimcihii shalay lagu qabtay Muqdisho, waxaana soo qabanqaabiyay dooddan garabka dhallinyarada ee xisbiga Nabadda iyo Horumarka Soomaaliya.
Dood-wadaagan ayaa ka qayb-galay dhallinyaro badan, kuwaasoo u badnaa kuwa wax ka barta gudaha daka Jaamacadaha ku yaalla dalka Soomaaliya, siyaasiyiin aqoonyahanno, xidhibaanno iyo mas'uuliyiin kale.
Doodda ayaa waxaa si aad ah loogu lafa-guray kaalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku leeyihiin nabada iyo hormarka dalkooda iyo dadkooda. Sidoo kale waxaa lagu soo hadal-qaaday taariikhda dhalinyaradii soo martay dalka iyo sida looga baahan yahay in dhallinyarada hadda joogta ay ugu dayadaan.
Guddoomiyaha garabka dhallinyarada ee xisbiga Nabadda iyo Horumarka Cali Yaasiin Cali oo halkaas ka hadlay ayaa wuxuu faah-faahin ka bixiyay sababta ay u qabteen dood-wadaaggan isagoo sheegay inay ugu talogaleen sidii loo arki lahaa kaalinta ay dhallinyaradu ka ciyaari karaan hormarka iyo nabada dala iyo weliba in dhallinyarada la tuso in ay fikiri karaan.
"Waxaan ugu talogalnay kulankaan in dhallinyarada Soomaaliyeed ay wax qabsan karaan" ayuu yiri yiri Cali Yaasiin oo intaas ku daray in dhallinyarada ay yihiin kuwo u horseedi kara dalkooda nabad iyo deggenaasho iyagoo adeegsanaya caqligooda iyo aqoontooda.
Xildhibaan C/qaadir Macallin Maxamed Geedi oo isaguna ka hadlay dood-wadaagga ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed looga baahan yahay inay fikiraan isla markaana uu waajib ka saaran yahay badbaadinta dalka iyo dalkooda. Mudanuhu wuxuu intaas ku daray in dhallinyarada Soomaaliyeed ay qaban karaan wax badan haddii ay fikiraan oo ay isku xirmaan.
Mudane C/qaadir Macalin ayaa wuxuu sidoo kale xusay in dhallinyaradii SYL ay wax badan u soo qabteen dalka isla markaana looga baahan yahay dhallinta maanta inay ku daydaan dhallinyaradaas.
Ugu dambeyn, waxaa halkaas ka hadlay Dr. Maxamed Nuur Gacal wuxuuna sheegay in haatan dalka uu ku jiro burbur baahsan isla markaana loo baahan yahay dhallin ka fikirta oo maskax wanaagsan leh.

Si kastaba ha ahaatee kulankaas ayaa hordhac u ahaa munaasabad lagu xusayo maalinta dhallinyarada Soomaaileed ee SYL oo ku beegan 15-ka bishan May.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes