Gabar si layaab leh wiil ay saaxiibo ahaayeen Lacag ugu dhacday, kadibna telefoonkedii dansatay( layaabka dunida)

Maalintii Shalay aheyd ayaa xafiiska wararka ee shabakadda alcarabiaya ee dalka koofur afrika waxa  si isdaba jooga ah usoo gaarayay warar sheegaya in nin lagu magacaabo xuseen  C/samad ay gabar  xirrir jacayl kala dhexeyay ay si farsaneysan ay ugu dhacday lacag gaaraysa $2000 (labakun oo doolar).
Gabadha iyo wiilka ayaa lasheegay in xiriirkoodu uu soo jiitamayay wax ka yar mudda laba sano ah, mudada intaa le,egna waxa ay kuwada xiriirayeen telefoon oo kaliya, ayaga oo kala jooga Findland iyo Dalkan koofur afrika.
 Hadaba Gabadha oo magaceeda lagu sheegay Ifraax Muuse,  ayaa wiilka usoo bandhigtay in ay ugu timaado wiilka halka uu jooga oo ah dalka koofur afrika si aqal galkoodu uu u dhaco, balse dad xog ogaal ah ayaa noo sheegaya in wiilka uu ku raacay fikradeeda, wuxuuna diyaarsaday itisilaadkii luugu tala galay Arooska, iyadana waxa uu u diraya Lacag gaaraeyso $2000 (labakum oo doolar) si ay ugu dhigato tikidkii ay ku imaan laheyd dalkan koofur afrika.
Tan ugu daranse waxa ay aheyd markii gabadha ay lacagta gacanta ku dhigtaya ayeey telka ka dansatay wiilkii, ilaa haatana wiilkii waxaa uu la anfariirsan yahay  sida wax ugu dhaceen.
Dhacdadan mid lamid ah ayaa sanadii lasoo dhaafay waxa ay ka dhacaday dalka keenya,  hadaba gabdhaha ku jara  rag badan oo lacag meel ey geeyaan waayay ayaa soo badanaya, ee  hadaba shabakadda alcarabiaya ayaa  dadow waxa ay idin ledahay  lugooyada qofka ku aaminay haka shaqeyn, hana u hanqal taagin lacag aadan usoo dhididin.
]
W.D:- Maxamed Xuseen Yuusuf (xaaji tahriib) &
            C/qaadir Axad Dhaqne
            Xafiiska Wararka Shabakadda Alcarabiya
            Ee dalka koofur afrika
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes