Somali guurdoon

Home » » Furriiinka qurbaha wuxuu ka dhashaa isfahan la'aanta gogosha

Furriiinka qurbaha wuxuu ka dhashaa isfahan la'aanta gogosha

Burburka qoysaska Qurbaha waxa sabab u ah Is fahan darada xaga Sariirta!!!
Ka gadaal 1991 dii markii dagaaladii daba qabsiga lahyn ka bilaawday Dalkeena hooyo waxay soomaalidu noqdeen kuwa ukala firxada daafaha dunida iyo Cid walbooy tabartaa.

Muhiimada mowduuca hadan ugudbo dadkii Soomaaliyeed markii ay tageen dalka dibadiiisa ama Yurub iyo America waxay la qabsadeen nolosha ka jirta meesha waxay yeesheen dabeecado cusub waxay ka gadoomeen dhaqankoodii waxay ku tilaabsadeen falal aanan wanaagsaneen.
Guuurka Soomaliya ka jiray waxay dadku isa siin jireen jaanis ama waqti ay isku fahmaan marka magaca la xardhana loo yaqaan Haasaawe ama Shukaansi dadkeeni hore waxay isku af fahmi jireen xariirka ka hor inta aysan is guursan waxay xalin jireen isku dhacyada badan iyo dagaalka hoose balse kuwa maanta maysan raacin wadadaas.
Haweenka soomaaliyeed ee Qurbaha jooga waxay u heestan iney hormar ka gaareen is badalka dhaqanka cusub eey qaateen Yurub iyo America hadi la yimid ma waxa la hilmaamayaa dhaqankii iyo Guurkii lagu dhalay ma waxa la hilmaamayaa noloshii dhabta ahyd ee lagu soo koriyey ma waxa la hilmaamayaa Adaabtii lagu soo ababiyey.
Marka aan dhahayo Burburka qoysaska Qurbaha waxaa sabab u ah Is fahan darada xaga Sariirta waa macquul inaadan fahmin balse dad badan oo arkay dareemay kuna dhacday dhacdadani ayaa rumeysan doono aaminsana .
Kolkii aan Somalia joognay isku dhaca reeraha ama qoysaska waxa keeni jiray xaga Qarashka iyo Nidaam xumada ka imaata Masuulka guriga balse maanta waxaa la yimid Qurbo waxaa la yimid wadan xor ah waxaa la yimid dowlad adiga ku qarash garayneysa wax ku baraysa shaqa kusiineysa wax walbo kuula diyaar ah mana dhacayso iney Qoysasku ku murmaan Qarash IWM.
Gabdhaha Soomaaliyeed marka ay timid Qurbaha waxay Baratay Qomiyado kala duwan waxay saaxiib ka dhigaty Gabdho ajaanib ah waxay daawatay Filiman xun xun waxay ku xiran tahay Musasalo janbiga ka tuuraya ugu danbeyn waxay Jawaab ahan uheshay iney Dhaqanka ka jira Qurbaha wax ka qaadato.
Gabadha Soomaaliyed waxay arkaysaa Saaxiibteet Ajaanibta ah oo ninkeda lugaha umeyraya har iyo hameen kool koolinaya waqti walba u raaxeynaya waxay jeceshahay siinaya Balse Ragga Soomaaliyeed mahayan waqtigaas dabeecad iyo dhaqana uma ahan iney guri joogaan sida Diintu qabto Dhaqanka Soomaaliyed na ka mid ah Dumarku waxay ku wacanyihiin iney ka danbeeyaan Seygooda.
Shalay markay arkeysay Gabadhii ajaanibta ahyd eey saaxiibka la ahyd oo noloshaas ku jirta maalmo kadib waxay ku amreysaa seygeeda inuu usameeyo waxa uu samaynayo ninkaa kale waxay gaaraysaa heer ay farta ugu wacdo waxay bahdileysaa raganimadii uu laha haduu is waalo waxa utaalo Ga dag Albaabka.
Markii ay fasaxdo ninkeeda durbaba waxay soo wadanaysaa wiil ajanabi ah sida aanu wada ognahay runa ahna Haweenkena somaliyed Qaarkood waxay bilaabeen iney Nin Madoow ah ama African kale ah eey koofiyad yar oo suno ah uso galiso kadib dhahdo waa Muslim misana ay guursato.
Waa maxay waxa aad ka helayso ninkaas? ood ka weysay midka kugu dhiiga ah kugu diinta ah ee soomaaliyeed marka aad la dhex marto su’aashaas iyo kuwo kale waxay jawaab kaaga dhigayaan walaal freedom ban nahay cidaan rabno ayan guursaneynaa.
Runtaase waxay tahay waxa is badalay dhaqankii la iskugu tagi jireen ee xaga sariirta waxay ku oranaysaa walaal hada ayuuba waaga ii baryay intii aan dalka joogay nolol maba ku jirin macaanta nolosha waxan arkay markan guursaday ninkan Kurdish ka , Nagerian ka , Angoles, Jamaican ka, iyo italian ka oo cadaan marki la dhaho ubadan.
Waa qof weyn waxay heesataa awlaad badan waxay ku caasineysaa Seygeedii intaas usamrayay waxay ku tumanaysaa Xuquuqdii Raga Yurubey waa lagaa YoooMi !!!!!!!!!!!!!!!

Share this article :

3 Comments:

  1. Anonymous5/25/2011

    Walaal adoo ku mahdsan mowduucan qiimaha xambaarsan waxaad ilowday inaad ka hadasho qeybta ragga iyagana ay ku liitaan waxad mooda nin careysan oo sheekeynaya ee hadii uu dhibku adigana ku taabtay ha ilaawin inaad raggana canaanatid dumar kaliya dhim ma geystaan dembiga waa la wada leeyahay, waxaad ka hadashay inyar oo wax ma garato ah ama aqoon yari u geysay dhibka aad ka sheekeynaysid. Ragga mas'uuliyadii ilaahay dushooda saaray dayacay inaan ka hadashid markoodana bal isku day imisa ciyaal qurbaha ku dhibaateysan? Waxaan rumaysanahay dhinacuu doono dhibka ha ka yimaado raggana kama marna dhibkan

    ReplyDelete
  2. Anonymous6/02/2011

    walaal waa runtaa in inbadan oo gabdhaheena ah ay dariiqaa qaadeen lakiin waxaa iyana shaki ku jirin in inbadan oo anaga(ragga soomaaliyeed) naga mid ahna ay sabab u yihiin halaaga soo gaarayaa gabdhahanaga iyo waliba caruurtanada.
    Illaah isagaa Quraankiisa ku cadeeyay in ragga wanaagsan ay calfanayaan gabdho wanaagsan, sidoo kalana gabdhaha wan wanaagsan ay calfanayaan rag wanaagsan. Marke si aan dumarkanagu aayan ufasahaadin anagu aan Alle kacabsano aana ka soo baxno xaqi nala kulahaa.

    ReplyDelete
  3. Maya aniga waxaan qawaa in oo eysan kadhalanin furinka sibadanayo xaga qurbaha oo kena isfahan la'aanta oo sabab u noqdeen hablaha somaliyed. Taso lasiyey xuriyad qab daran, waayo waxey katagen towda. Waayo anaga manihin gaalo ee waxaan nahay dad muslin ah. Balse hablahena, waxey arken dad oo u talinayaan hablaha. Waayo dadkaas waxey kaso hor jedaan tinta oo aad heysato. Waxeyna jecelyihiin in ey kabadalaan siwaliba haku qadato. Adigane waxaad racday towda ayaa ku dhaqantay marka waxaan leyahay, hadii oo hablaheyna oo kaso labtaan jidka ey hada saran yihiin wax waliba wey hagagayaan ayaan isleyahay. Ok hadii oo aan u solabto tan xigta oo raga ah. Waxaan isdhihi karaa raguba waxey ku leyihiin rad furinka oo sisocda. Waayo wax waliba waxaa lafiriyaa oo wanag san waqtiga, oo aad ku jirto balse ragena ee somaliyed, uma jedan halka oo ey kaqal dantahay nolasha qoyska. Ee waxey ku dayan dumarka iyagoo dabika dusha u sarayaan dumarka, oo kaliya. Ee fadlan isga daya wax yaba oo kenikara qaladka qoyska. Aniga oo ah wiil somaliyed waxan dhihilahaay. Raga iyo dumarka oo isgursanayaan waxaaa horta, oo muhim ah in oo la'isfahmo fahan kasoo ku dhehan jecel. JECELKA WAA WAX JIRA OO KU LIFAQAN NOLASHA BINI'ADAMKA EE FADLAN ISGU DAYA NOLOSHA WAXEY TAHAY IN OO AAD FAHANTAAN SOOMAALIYEEY.WAXAAN U MAHAD NOQAYAA AQRISTAYASHA........

    ReplyDelete

Followers

Somali pictures

Online visitors

 
RSS Feed: http://www.xidig.com/rss.xml
Copyright © 2013. Raaxada guurka iyo Somali news - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger