Dowladda Uganda oo sheegtay inay 4,000 askari oo dheeraad ay ku darayso ciidamada kaga sugan Soomaaliya

Axad, May 08, 2011 (HOL) Danjiraha dalka Uganda u fadhiya Itoobiya, Mull Sebujja Katende ayaa sheegay in dalkiisa uu 4,000 askari oo dheeraad ah uu u dirayo dalka Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay tahay mid ay kaga jawaabayaan dalab uga yimid dowladda KMG ah iyo ururka Midowga Afrika.
Mr. Katende ayaa intaa ku daray in ciidamadan cusub lagu xoojin doono ciidamada AMISOM ee dalkiisa uu qaybta ka yahay, kuwaasoo dowladda Soomaaliya gacan ka siiya dagaalka ay kula jirto Xarrakatul Shabaab oo kasoo horjeeda.
"Dhibaatada Soomaaliya ka taagan ma ahan oo keliya mid haysta shacabka Soomaaliyeed, balse waa mid haysata guud ahaan qaaradda Afrika, waana taas midda ay xukuumaddeydu ciidamo dheeraad ah ugu dirayso Soomaaliya," ayuu yiri dajire Katende.
Dalka Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee AMISOM, kuwaasoo hoosataga ururka Midowga Afrika, waxaana howlgalkaas ku wehliya dalka Burundi oo ku yaalla bartamaha qaarada Afrika.
Beesha caalamka iyo dalalka Afrika ayaa isku dayaya inay xalliyaan dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya muddada 20-sano ah, iyadoo safiirku uu sheegay in haddii xal loo helo Soomaaliya ay dan weyni ugu jirto dalalka ku yaalla gobolka.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa Jimcihii ku eedeysay xukuumadda Eritrea inay hubeynayso xoogagga ay dagaalka kula jirto ee Xarrakatul Shabaab, iyagoo sheegay in madaxweynaha Eritrea uusan raalli ka ahayn nabad ka dhalata geeska Afrika.
Safiirka Uganda u fadhiya dalka Itoobiya, wuxuu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay sidoo kale taageero ka hesho ururka Al-Qaacida, wuxuuna yiri, "Dhimashada hoggaamiyaha Al-Qaacida Usaama Bin Laden wuxuu war wanaagsan u yahay dunida oo dhan, gaar ahaan dalalka ku yaalla bariga Afrika, kuwaasoo Xarrakatul Shabaab ay dhibaatooyin u geysatay."
"Al-Qaacida waxay mas'uul ka ahayd qaraxyadii ka dhacay dalalka Tanzaniya, Itoobiya, Kenya iyo Uganda," ayuu hadalkiisa daba dhigay, isgaoo xusay Xarrakatul Shabaab ay xiriir dhow oo wadashaqeyneed ay la leedahay ururka Al-Qaacida.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Hiiraan
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes