Diintu maxay ka qabtaa siigada

Eebbe Subxaanahu Watacaale waxa uu Aayadaha Qur’aanka ku leeyahay:

(kuwa xubnohooda taran dhowra. Aan ka ahayn xaasaskooda iyo addoomadooda ayagu eed ma laha. dadkiise intaa kadib wax ka doonaa way xad gudbeen. Suurat Al Mu’minuun: 5-7).

Aayadahaa Qur’aanka ah waxa kaaga iftiimaya in ruuxii macaan iyo raaxo ku doona hab aan galmo xalaal ah ahayni uu xadkii Eebbe gudbay.

Rasuulkeenna suubban Muxammad (SCW) waxa laga weriyey Xadiis uu ku yiri: (Dhallinyarooy, kiinnii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa shahwada ka jebinayee). Xadiiska waxa soo saaray Muslim iyo Bukhaari.

Haddaba hadduu Rasuulku (SCW) ogyahay faa’iido ay caadada sirta ah (Seego) leedahay, dhallinyarada ayuu ku boorrin lahaa, waxase uu koodii awood (Meher, Marasho iyo Masruuf) heli kara, ku boorriyey inuu guursado, kaan awoodinna inuu shahwada isaga jebiyo qaab cibaado ah (Soon) ajarna ka helayo, dhibaatadii shahwadana iskaga reebayo.

Culimada diinta Islaamka intoodii badnayd way xaaraantinimeeyeen Seegada (Caadada sirta ah). Mad-habadaha Shaaficiya, Maalikiya iyo Xanbaliya intuba way xaaraantinimeeyeen iyagoo u daliishanaya Aayadaha aynu kor kusoo sheegnay ee Suurat Al-Mu’minuun ku jira. Madhabta Xanafiya, iyadu waxay leedahay Seegadu assal ahaan waa xaaraan, waxayse ku bannaanaan kartaa saddex shardi haddii si wadajir ah loo helo:

1- In uusan ninku naag qabin.

2- Inuu isaga baqayo xaaraan (Sino) uu ku dhaco haddaanu seegaysan. Taasi oo diinta loogu yeero: “Laba daran tii dembi yar dooro”.

3- In uusan ula jeedin inuu ku raaxaysto, balse ula jeedo inuu shahwada isaga jebiyo.

Haddaba Seegadu guud ahaan diinta Islaamka waa ku xaaraan, maadaama aanay ahayn qaabkii dabiiciga ahaa ee uu Eebbe ugu talagalay in shahwada la’isaga shubo, balse ay tahay wadiiqo weecsan, qofkana waxay barto waxay baddaa uga daran, hadduu mar qofku qabatimana siduu naftiisa u qabto oo isaga gooyaa ay adagtahay.

SIDEE LA’ISAGA GOOYAA SEEGADA

1- Inuu qofku guursado, hadduuba awoodo. Waalidka dhalay dhallinyaro (lab iyo dheddig) qaangaadhay, waa inaanay guurkooda ku xirin shuruudo iyo xujooyin aan laga bixi karin, taasi oo markaasi keenaysa in dhallintay dhaleen iyo kuway u dhixi lahaayeen labaduba quus iyo qalbijab qaadaan, sidaana Shaydaan isugu dhiibaan ooy xaaraan ama seego dhexgalaan.

2- Inaanu qofku iska badin cunitaanka iyo cabitaanka, taasi oo markaasi keenaysa kacsi iyo rabitaan jinsiyeed, waana sababta uu Rasuulku (SCW) u faray qofkaan guur awoodini inuu soomo.

3- Inuu qofku ka fogaado waxyaabaha hiyigiisa kicinaya sida; Buugaagta, Sawirrada iyo Aflaanta qaaqaawan.

4- Qofkii qurux uu qalbigiisa ugu raaxeeyo raadinayaa waa inuu daawadaa dhirta cagaaran, ubaxa, badaha iyo quruxda dabiiciga ah ee Eebbe dunidan ugu deeqay.

5- In qofku doorto saaxiibbo wanwanaagsan, dhowrsan, hanuunsan, diintana ku dhaqma.

6- In qofku qalbigiisa ku mashquuliyo shaqo, waxbarasho, cibaado iyo Alle ka cabsi oo uusan marnaba nafta fursad usiin inay ku fekerto wax aan habboonayn.

7- In aanu qofku ku seexan gogol raaxa leh cuud iyo cattarna lagu shiday, oo xusuusida galmo iyo gacal la baashaal.

8- Inaanu qaadan dharka aadka u jilicsan, iskuna shubin barafuunnada dareenka kiciya.

9- Inuu ka fogaado isdhexgalka ragga iyo dumarka, gaar ahaan dadyowga aan cowradooda dedan, dareenka dadka kalena aan u aabayeelin.

10- Inaanu seexan isagoon hurdaysnayn, si ayan maskaxdiisu u raadin wax ay ku fekerto oo uu ugu horreeyo lammaane uu la baashaalo.

11- Inaanu kolka uu seexanayo caloosha u jiifan, si aanay xubintiisa taranku ugu lismin firaashka ka hooseeya, sidaana ugu macaansan oo ugu kacsan.

12- Inuu kaadihaysta faaruqiyo (kaadiyo) mar kasta ooy kaadiyi qabato, gaar ahaan aroortii kolka uu hurdada ka tooso.

DHIBAATOOYINKA SEEGADA

1- Haddii qofku uu u barto inuu ku kacsado oo ku biyabbaxo gacantiisa, waxa mustaqbalka ku adkaanaysa in istiiminta kaga timaada gacalkiisa uu ka helo kacsi u dhigma kii uu ka heli jiray gacantiisa.

2- Seegadu ma keento haqab-beelka dhabta ah ee ay keento galmada cadiga ahi, iyada oo galmadu aanay ku koobnayn oo qura xubnaha taranka sida seegaysiga, balse tahay kulan nafsiyeed iyo mid jinsiyeed oo dhexmara labada isjecel, sidaasina qaybaha jirka oo dhami ay kaga qayb qaataan raaxada ka dhalata kulankaasi.

3- Waqtiga galmada waxa maskaxda qofka ka buuxa istiin iyo raaxo macaan, hase yeeshee qofka seegaysanayaa si uu ku helo istiin waxa uu u baahan yahay inuu ku fekero waxyaabo dhib ku ah maskaxdiisa, kuwaasi oo keena daal iyo dhibaato maskaxeed.

4- Galmada caadiga ahi kolka ay dhacdo (gaar ahaan tan ka dhalata guurka), lagama qaado wax aan ka ahayn raaxo iyo raynrayn, ha yeeshee qofka seegaystaa kolka uu kacsado waxa uu illaawaa in uu sameynayo amaba sameyn doono wax sharci darro ah, laakiinse kolka uu biyabbaxo ayuun buu indhaha kala furaa oo ku baraarugaa foolxumada waxa uu sameeyay iyo inuu keligii isku raaxeystay, aysanna la joogin – sida uu maskaxda gashaday gabar qurux badan oo uu jecel yahay, sidaasi bayna murugo ugu dhalataa. Qofka caynkaasi ah waxa uu dareenkiisa dembi iyo murugo kordhaa kolka uu dadka ka maqlo in seegadu ay tahay wax keena dembi aanu Eebbe cafin iyo cudurro maskaxda wax u dhima, sidaasi bayna qofkaasi ugu dhalataa murugo joogta ah, xaasidnimo iyo damiir la’aani.

5- Galmada tooska ahi waxay u baahan tahay laba qof, waqti iyo meel ku habboon si ay u hirgasho, halka seegadu ay ka dhici karto waqti kasta oo qofka seegaysanayaa uu doono, sidaasina dadka qaar iskaga badbadiyaan, taasi oo dhibaato ku keenta jirka iyo maskaxda labadaba.

6- Waxay keentaa xiniinyaha iyo qanjirka Borostaatka oo barara, mar hadduusan qofku biyihii galay xiniinyaha galmo buuxda isaga saarayn, oo kolba markuu seegaysto qaar ku harayaan.

7- Waxa ay keentaa geedka ninka oo jilca ooy tabardarri ku timaado, gabadhiisana galmo buuxda la gudan waaya, dabeetana guurkii cusbaa furriin ku gebageboobo.

8- Waxa ay keentaa ninka oo degdeg u biyabbaxa, gaarsiina waaya intay xaaskiisu gariir ka gaarto, halkaana guurkii ku fashilmo.

9- Habluhu mararka qaar way ku bekra-jabaan seegada. Gabadha muddada dheer seegaysanaysay, caadana ka dhigatay, waxa laga yaabaa inayba ku raaxaysan weydo galmada ay gacalkeeda la wadaagto, taasi oo iyana keenta guurkii oo burbura.

10- Waxa ay qofka tirtaa laab furnaanta, bashaashnimada, iyo awooddiisa shaqo, haddii uu iska badbadiyana waxay dhaawacdaa qanjirrada iyo xididdada maskaxda.

Fiiro Gaar ah: Isku biyabbaxa habeenkii qofka kuma keeno tamar darri, maadaama aanay qanjirradiisa taranku daallayn, waxayna awoodaan inay hal jeer habeenkii biyo tuuraan, saana ku wadaan muddo soddon sanadood ah. Ninka caafimaadka qabaa waxa uu galmo samayn karaa 2-3 jeer usbuucii, isaga oon wax dhibaato ahi gaarin, ha yeeshee dadka qaarkii oo 3-10 jeer malintii seegaysta waxay sameeyaan khalad weyn, falkoodaasina wuxuu keenaa tamardarri iyo caajis ku yimaada xubnaha taranka iyo habdhiska maskaxda. Xubnaha taranku haddii ay helaan waqti nasasho ku filan waa ay kasoo kaban karaan dhibaatooyinka ka dhasha seegaysiga faraha badan, haddiise uu qofku joogteeyo seegaysiga, waxay markaasi u dhow dahay in uu dhaawac ku yimaado walxaha jirka ee firfircooneeya qanjirrada iyo xididdada maskaxda, xididdadaasi oo haddii ay dhintaan aanay suuragal ahayn inay mar labaad awood u yeeshaan inay gutaan shaqadoodii caadiga ahayd.

Tira koobyo la sameeyay waxay caddeeyeen in ragga seegaysta ay gaarayaan 69-100%

Tira koobyo la sameeyay waxay caddeeyeen in ragga seegaysta ay gaarayaan 69-100%, iyaga oo raggu inta badan soo mara marxalad noloshooda kamid ah oo ay ku seegaystaan, gaar ahaan inta u dhaxaysa da’da 13-20 jirka. Sababaha keena in uu seegaysigu da’daasi ku badnaado waxa weeye; kacsiga oo xilligaasi aad u daran (da’ kacsi labbood), xishood iyo shukaansi aqoon la’aan, iyo weliba dhallinyarada oo intooda badani ay guur la’aan joogaan. Guud ahaan dhallinyaradu waxay seegaysiga iska daayaan kolka ay billaabaan galmo caadi ah.

Hablaha iyaga boqolkiiba inta seegaysataa waay kayar yihiin wiilasha, sababahaan soo socda awgood:-

1- Shahwada oo aan hablaha u gubin sida ay wiilasha u gubto.

2- Xubnahooda taranka oo ku jira meel qarsoon, dhifna ay tahay inay la kulmaan wax taataabta oo kiciya dareenkooda, iyada oo lawada ogsoonyahay in kacsigu uu yahay sababta tooska ah ee keenta seegaysiga.

3- Iyaga oo aanu dhibaato ku hayn isku biyabbax habeen, kol haddaanay aqoon riyo habeen oo gaarsiisa heer biyabbax, waase haddii aan la istiimin intaanay seexan kahor.

4- Rabitaanka jinsiyeed ee raggu waxa uu ku kooban yahay xubnaha taranka, oo kolka uu kacsadaba waxa uu doonayaa inuu galmo sameeyo, ha yeeshee rabitaanka dumarku waxa uu isugu jiraa mid xubin taran iyo mid nafsiyadeed. Waxa ay habluhu helaan raaxooyin kale oo ay kaga maarmaan tan biyabbaxa sida; jacaylka, akhrinta sheekooyinka iyo riwaayadaha jacayl, xafladaha, shineemooyinka, jimicsiga, daryeelka jirkooda, qoob-ka-cayaarka, iwm.

Waxa la caddeeyay in casrigaan cusub dumarka seegaystaa aanay ka yarayn 50%, meelaha qaarna ayba gaaraan 70-90%. Dumarka caynkaasi ahi waxay u badan yihiin kuwa aan weli bislaan iyo kuwa qaba qabow jinsiyeed (ereygaasi oo sida caadiga ah loogu yeero dumarka aan galmada ku raaxaysan).

Anigu – qof ahaan – shaki weyn baan ka qabaa in hablaha Soomaaliyeed ama badankoodu ay Seegaysi garanayaan, waxanan taa sabab uga dhigayaa gudniinka Fircooniga ah.

MAXAA KEENA SEEGAYSIGA

1 Sababaha keena seegaysiga waxa ugu horreeya inay qofka u fududaan weyso inuu helo xabiib uu ka xaaja guto, sidaasi buuna ruuxa cid wax la qabata intuu waayo, gacmahiida biyaha isaga saaraa. Seegaysiga caynkaasi ahi waxa uu ku badan yahay dadka ka fog jinsiga kale sida; ardayda dhigata kulleejooyinka (Boarding Schools), cusbitaallada, xabsiyada, warshadaha, ciidanka badda, dumarka aan la guursan, garoobbada iyo dumarka laga dhintay.

2- Waxa kale oo seegaysiga keeni kara in qofku uu ka dido galmada oo uu u arko wax xun sida wiil dhallinyaro ah oo lagu barbaariyay in galmada guurka hortiis cadaab lagu muteysto, isaga oon awoodna u lahayn inuu guursado. Waxa kale oo dhacda in qofku uu ka dido urta qofka kale, taasi oo keenta nacayb uu u qabo jinsiga kale sidaasina uu ku seegaysto.

3- Waxa dhacda in ragga qaar kolka ay u galmoonayaan haweenkooda ay si degdeg ah u biyabbaxaan, dumarkoodii oon weli gaarin heer biyabbax, taasi oo markaasi dumarka caynkaasi ah ku kallifta inay seegaystaan.

4- Seegaysiga carruurta waxyaabaha doorka libaax ka qaata waxa kamid ah finan yaryar oo ka soo baxa dubduleedka xubinta taranka (sida isnadaamiska oo kale), oo siduu u xoqayo uu si lama filaan ah u kaco geedkii, dabeetana uu sii macaansado ilaa uu biyaha tuuro, sidaasina uu ku barto kuna caadeysto seegaysiga.

5- Waxa kale oo ay da’ yartu seegaysiga ka baran karaan saaxiibadooda kale haddii ay seegaystaan, inankuna sida uu saaxiibkii sigaar cabista uga barto si lamid ah buu seegaysigana uga bartaa.

Ginseng waa geed dabiici ah oo ragga kacsigooda yaraaday xoojiya

Ginseng waa geed aad u daran oo dacbiici ah oo guud ahaan jirka awood u keena gaar ahaan dhinaca galmada, waa geed laga keeno dalka shiinaha iyo kuuriya iyo maraykanka, waxaa loo isticmaali karaa qaabab kala duwan sida shaah oo kale inta loo kariyo ayaa la cabbaa, ama waxaa lagu dari karaa malab, kaddib rooti iyo iwm. baa lagu cunaa, saamaynta geedkan dhinaca galmada waa mid aad u daran ragga isticmaalo waxay dareemaan kacsi daran iyo waxtar weyn oo ay ku qancin karaan xaskooda, maxaa yeelay sida la ogyahay naagta inta badan ninka way ka dambeynaysaa biyabbaxa, marka uu ninka dantiisa dhammaysto, awood kale mala imaan karo oo uu kaga bixin kara naagta biyaha naagtiina way ka xishoonaysaa inay ka dalbato in biyaha laga saaro ileen naagaha way ka xishood badan yihiin nimakga, marka sida ugu fiican oo ninka iyo naagta ay isku fahmi karaan waa in hal mar ay isla biyabbaxaan ninka waxaa laga rabaa inuu naagta ula sugo biyaha, Ginseng wuxuu siinayaa ninka awood kacsiyeed oo naagta lagu hogaamin karo ilaa ay ka biyabbaxdo.

w.d dr.ali omar abati binfaghi
Email is ao_abati@hotmail.com

By Nuur Ismaaciil Sheekh

Tifaftiraha Shabkada BADWEYN

E-mail nuur.usa@hotmail.com
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

20 comments:

  1. Anonymous5/28/2011

    asc waad mahadsantahiin akhyaarta webkan
    sifiican ayaad naagaga sheekayseen siigada iyo waxay tahay
    hadaba waxaan idin waydiin lahaa hadii mudo ayaan ku jiray siigan oo aan hada iska daayay ma laga yaabaa awoodaydii galmo ama jinsiyadeed inay sideedii ku soo noqoto hadii aan faraha ka qaado
    xunbaha taranku ma ka soo kaban karaan?

    ReplyDelete
  2. haa way ka soo kab karaan haddii aad ka dhaafto

    ReplyDelete
  3. ascm , sida aan ogsoonahay siigada ama marka qoka xubintiisa kufalaadayo way dagdagbadantahy inbayaha si dhakhso badan loo tuuro hada su'aashaydu waaytahy galmada xalaasha ah,imisa ayaa lawada karaa? maygaadhaysaa 30 daqiiro iyo wixii kabadan? fadlan kasoo jawaab. mahasanid

    ReplyDelete
  4. taas dadka way ku kala duwan yihiin, dadka siigaysta waxaa ku dhaca cudurka biyabbaxa degdega

    ReplyDelete
  5. asc. waan gatay .dr, arintaas hadee qofka muda faraban ku jiray ,10 sano kareyso sidee iska dhaafi karaa , oon xaas laaheen oona adoodid in oo guursado ,, bal ka jawaab...

    ReplyDelete
  6. waxaa lagaaga baahanyahay inaad sabarto oo aad soonto oo aad ka fugaato wax kastoo ku kicinaya

    ReplyDelete
  7. Anonymous9/23/2011

    iga jahil bixiya suaasha eh siigo seego maxa lagawataa ma fahmin micnaha siigo afsomali iga sheek waxa lagaho siigo

    ReplyDelete
  8. seego waxaa la dhahaa inaad biyaha isaga keento gacantaada iwm.

    ReplyDelete
  9. Anonymous9/30/2011

    Ginseng geedka miyuu xoojiyaa haduu xoojiyona wax dhib ah miyuu kuu keenayaa mase

    ReplyDelete
  10. wax dhib ah ma keeno guud ahaan jirka ayuu xoojiyaa gaar ahaana bahalka nin ayuu adkeeyaa

    ReplyDelete
  11. Anonymous12/19/2011

    Marka halke laga heli kara Ginseng teda kale ma sida madecinta oo kale miyaa mase ! ilaa iyo mudo intesa la isticmalaya ? mahadsanidin !

    ReplyDelete
  12. Anonymous12/27/2011

    walaal salaam bacda salaan waxaan idin waydiiyey walaal aniga oo yara baan siigada isticmaali jiraya ilaa intaan guri yeeshay oo hada ah 3sano ka hor intan waxba ma dhalin uur ma yeelan dhibka siigada ii keentay waxaa ka mid ah in dhiig iga iman wayo 2ilaa 3bilood dareen malihi markan ninkayaga isku tagano hoosta dhan way i xanuunisa maxaa talo ah mahadsanid

    ReplyDelete
  13. dhibka siigada ayaa laga yaabaa inuu kuu keenay kacsi la'aanta waxaa fiican inaad ka towbad keento oo aad iska illowdo

    ReplyDelete
  14. Anonymous12/27/2011

    Ginseng shaax ah isaga haddii aan isticmalo kawaran mafiicanyahay ?

    ReplyDelete
  15. Anonymous12/27/2011

    wan ka toobada keenaya lkn dumar inaanay uur qaadin ma sababi kartaa wll

    ReplyDelete
  16. maya seegada ma sabato inay haweeneydu uur qaadin

    ReplyDelete
  17. haa shaah ahaan waa loo isticmaali karaa geedka ginseng waa ok

    ReplyDelete
  18. Anonymous8/02/2015

    Asc wlal ku dhawaad 5sano ayaa ku jiraa ila hdana ma gursan o ma awodi qof wax baranayo ayan ahy marka si kasto aan sameyo waan iska jojin waye xita hda subax soomo habenkii ina sameyo igu kaliftaa marka talo ficn isheeg fadlan mahad sanid

    ReplyDelete
  19. Seegada dhib weyn waxay leedahaymarka caado laga dhigto laakin qofka marka biyaha ay ku bataan oo uu ka baqo inuu sino ku dhaco uu biyahaas iska daadiyo isgoon iska keenaynin kacsiga dhib uama keento, laakin haddii aad barto iskama raabi kartid

    ReplyDelete
  20. Anonymous1/25/2016

    Gedka adshegeysin somali halke laga helaa sese lo isticmala marwalba maan cunaa mise halmar ayaa iigu filan jwb

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes