Dhibaatada badeecada (shiishada) oo u dhiganta ta sigaarka

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxdey isla markaana lagu daabacay shabakad ka faaloota arimaha caafimaadka ee lagu magacaabo (Life Science) ayaa lagu xaqiijiyey in biyaha ku jira badeecada la nuugaa leeyihiin waxyeelo lamid ah ta sigaarku  leeyahay, isla markaana ay biyahaasi wataan carbon monoxide, iyada oo tuumbooyinka uu soo maro qiiqa badeecadu la sheegay in laga qaadi karo cuduro uu ka mid yahay kansarka.
Cilmibnaare u dhashay wadanka Mareykanka oo u xilsaaran culuunta ku aadan dabagalka cudurka kansarka, kana tirsan urur lagu magacaabo The Center Of Wake Forest Baptist Medical Warren Sutphin ayaa sheegay in da’yar fara badani ay ka qabaan fikir qaldan waxyeelada badeecada, iyaga oo sheegay in ay ka waxyeelo yar tahay sigaarka arintaas  oo uu sheegay in ay tahay sheeko iska khaldan.
Cilmibaadhayaal ka tirsan 8 Jaamacadood oo ku yaal gobolka North Carolina ee wadanka Mareykanka ayaa sheegay in 40.3% dhalinyarada ku dhaqan gaar ahaan ardeydu ay sadex meelood cabaan badeecada, iyaga oo tubaako ku darsanaya halka 46.6% ay sigaarka ka cabaan. Daraasada waxa lagu ogaaday in 25% ardeydu xiligani sigaar qiijaan  halka 17.4% ay badeecada ka nuugaan. Waxana badi tiradaasi la sheegay in ay u badan yihiin labka da’yarta ah.
Warbixinta waxa kale oo lagu sheegay in meelaha lagu caweeyo iyo maqaaxiyaha badeecada lagu cabo aan si wanaagsan loo nadiifin, iyada oo ay dhici karto in ay tuunbooyinka lagu cabaa  ay xambaarsan yihiin cuduro infection iyo waliba bacteria.
(source:haatuf)
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes