Dagaal ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray degmada Dharkeynley ee Muqdisho

Ugu yaraan saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay afar qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta degamda Dharkeynley ku dhexmaray ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa qarxay markii ciidamadu ay isku khilaafeen lacago laga qaado gaadiidka dadweynaha, iyadoo dagaalka oo socday muddo laba saacadood ah uu istaagay 11:00 baqonimo ee maanta.
"Iskahorimaadku wuxuu ahaa mid saameyn ku yeeshay ganacsiga iyo isku-socodka gaadiidka iyo dadka, waxaana arkay saddex qof oo dhintay, kuwaasoo mid ka mid ah uu ahaa askartii dagaalamayay," ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda macmacaanka oo uu dagaalku ka dhacay.
Dagaalka ayaa istagaay markii koox ka mid ah labada kooxood ay la wareegtay bartii koontarool ee uu dagaalku ka dhashay, waxaana la sheegay in guddoomiye ku xsigeenka degmada Dharkeynley uu halkaas ka kexeeyay ciidamadii la wareegay.
Guddoomiyaha degmada Dharkeynley Macallin Cabdulle Cali Hilowle ayaa dhawaan sheegay inay wax ka qabanayaan iskahorimaadyada degmadaas ku dhexmara ciidamada DKMG ah, balse weli way socdaan iskahorimaadyadaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes