Australia iyo dadka qaxooti doonka ah

Dowladda Australia ayaa gashay heshiis u oggolaan doona dadka megangelyo doonka ah ee dalkaasi doonyaha ku imanaya in loo wareejiyo dalka Malaysia si codsiyadooda loogu soo habeeyo. Saraakiil reer Australia ah waxay sheegeen in ilaa 800 qof oo qaxooti ah loo diri doono dalka Malaysia afarta sano ee soo socota. Taas beddelkeeda, Australia waxay sheegtay inay aqbali doonto tirooyin badan oo qaxooti ah kuwaas oo codsiyadooda ay soo habeysay Qaramada Midoobay.

Hoggaamiyaha mucaaradka, Tony Abbott, waxaa uu sheegay in go'aankani uu muujinayo in dowladdu ay ka argagaxayso dadka soo galowga ah.

Xisbiga shaqaalaha ee talada haya waxaa uu xiray labo xarumood oo ku yaallay Badweynta Pacific sanadkii 2008-dii. 

BBC Somali
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes