Tixsiga iyo cudurka uu wato maxaan ku reebi karnaa

Tixsiga wuxuu ka mid yahay nooleyaasha aan dadka ka dhexbixin wuxuu ku dadaalaa inuu wax kasta lugaha la galo, wuxuu wataa wataa jeermisyo kala duwana iyo waxyaalo ka hortagi karo jeermiskaas, marka Nabigeena suubanaa صلى الله عليه وسلم  ayaa wuxuu yir : (haddii uu ku dhaco tixsi cabbitaan midkiina ha ku tiimbiyo kaddib haka soo saaro maxaayeelay labadiisa garab mid wuxuu ku sidaa cudur midka kalena daawo)  xadiiska dadka gaalada waagii hore way la yaabeen way inkireen, laakin dhakhaatiir oo u dhashay dalka Autralia ayaa baaritaan ku ogaaday in tixsiga jirkiisa kore ku sito waxyaalo ka hortagi kara jeermiska uu isaga keeni karo marka uu meel koro, waxaa la sheegaa imaam shaafici in la weydiiyey xikmadda ku jirta abuuridda tixsiga wuxuu ku jawaabay : in lagu dulleeyo boqorada, waayo wuxuu fuulayaa madaxda wejigooda isagoo aan la reebi karin ilaaliyena ma reebi karo meesha uu rabo ayuu gali karaa, taas oo dhan waxay tusinaysaa Allaha awoodda leh ee abuuray noolahaan aadka u yar haddana dhibka badan
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes