Ninka loo baahan yahay

Ninka ka soo bixi kara mas'uulidda guriga waa ninka noloshiisa guriga noqonaysa mida wanaag leh, naagaha  waxay ka helaan ninka sifooyinkaan leh

1- waa nin Alla ka baqaya
2- waa nin shaqaysa
3- waa nin balwad aan lahayn
4- waa nin jacaylka yaqaana
5-waan nin aan been sheegin
6- waan nin salaadda ku dadaala
7- waa nin deeqsi ah
8- waa nin xaaskiisa qiimeeya
9- waa nin sharaftiisa dhowra
10- waa nin dadka aan yasin

Umu sahra


 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

6 comments:

  1. Anonymous4/28/2011

    Aad iyo aad ayaad u mahadsantahay walaal.
    Waa runtaa ninka wanaagsani waa ninka sifooyinkaa aad sheegtay iyo kuwo kalaba leh.
    Mahadsanid walaal.
    igala soo xidhiidh Email kan
    siciidsh@hotmail.com
    Siciid

    ReplyDelete
  2. Dood wadaag4/29/2011

    Asc dhammaan

    @Umu sahra

    Sifooyinkii ugu muhiimsanaa ayaad ka tagtay ee bal intanna ku dar:

    Nin aan naag kale qabin kulana guursan doonin
    Nin dhallinyar illeen odey lama rabee
    Nin maal leh illeen faqiir lama rabee
    Nin cilmi leh illeen jaahil lama rabee
    Nin qurux badan illeen mid foolxun lama rabee
    Nin nasab ah illeen nasab dhimman lama rabee

    Ma sii wadaa? .... kkkkk

    Dumarka guurdoonka ah intooda badan ma yaqaannaan ninkey rabaan tilmaantiisa dhabta ah.
    Waxay sawirtaan sawir khiyaali ah o aan jirin. Hadduu Ilaahay u soo diro mid wanaagsana ma gartaan oo intey buur isa saaraan ayuu dhaafaa. Aakhirkana iyadoo wakhti badan ka dhumay ayay markay gaadhaan "Mar uun waagu ha ii baryo" oo ay tacbaan marayaan ayay midkii ka hor yimaada ka dul dhacaan, hadhowna ooyaan.

    Dumarow iska daaya sawirka khiyaaliga ah iyo buur isa saarka oo garta waxaad rabtaan, kana faaiideysta wakhtiga. Ogaadana qof dhammeystiran rag iyo dumar inuusan jirin

    Salaam

    Doodwadaag

    ReplyDelete
  3. Anonymous7/14/2011

    umisahra saad u dhigtay waa siwanaagsan oo run ahaantii xushmadaysan balse soo majiraan fiiro u gaar ah gogasha ama sariirta oo ay tahay marka horeba inay naagtu iska fiiriso kulay humagsato siwaalkiisa ama macawista ay soomalidu qaataan iyo wixii kaloo hoos loo xirto kkkkkkkk kaftan dhable ama waliba ubaahan

    ReplyDelete
  4. Anonymous8/17/2011

    KKKKK..

    runtii mehsan waa lagu wada hadlay balse qofkii qax garad ahi wax buu kafaaiday....

    hadan ahay wiil somaliayed waxa isoo baxay in ay hablaha qiimaha lehi ay yhiin kuwa kuhadahy guryaha siday ubadhanyeen rag wacan.

    waa inaan isku dayaa inaan hada ka qudhaabto kuwa guryaha ku hadahy.

    balse su'ashaa ah sidii looga dhadhicin lahaa in qofka lahadlaya uu yahay ruux tayo leh??

    salama

    ReplyDelete
  5. Anonymous8/17/2011

    qaraabada xirirriya.dariska u roon.salaada fajarka tukada. xanaaqiisa uu yaryahay.waji farxad leh.dulqaad , naxariis ka muuqata. xashaashka ku fiican , udgaayo. qur'aan akhris badan.. markii aad aragto faraxsan. salaanta aan kula dhaafin.taakuleyn badan.diinta yaqaana ,sida tafsiirka qua'aanka,xadiiska ,axkaamta.tajwiidka ,naxwaha carabiga , balaagada.shicirka. soom badan ,habeeenkii sookaca allah barya.carabkiisa laga amaan helo. aan qod qodo aheyn. sodohda aan dhibin (bashir haji

    ReplyDelete
  6. WADANI8/17/2011

    asc waxaan hal kaan ka salaamayaa dhamaan dadka muslim ka ah ee hal kaan ilaah ku kulan siiyay aniga oo qalad la ii arkin waxa aan la hadali rabaa oo jwb siin rabaa gabadha la dhahayo UMU SAHRA ABAAYO WAAD MAHAD SAN TAHAY WAXA AAD KA HADA SHAY LIX ARIMOOD WAXAAN RABAA WIXII QALAD AH IN AAN KAALA SAXO 1WAXA AAD DHAHDAY WAXA AAN RABNAA NIN AAN NAAG KALE QABIN OO NALA GUUR SAN DOONIN MIDAAS WAA QALAD WAXA AAD KA HOR IMAANEESA MARKA AAD SAAS U HADASHO SHARICAGA ILAAH SOO DAJIYAY EE AH IN UU NINKA GUURSAN KARO AFARNAAG OO ILAAH JIRKOODA U XALAALEYAY TAS ILAAH DANBI DHAAF U WARSO WAAD DAN BAAB TAY MIDA KALE OO 2 LAABAD WAXA DHAHDAY WAXA AAN RABAA NIN DHALIN YARO AH OO ODAY AHEEN SAX WAAYE SU ASHAAS LAAKIIN WAA HADII AAD ADIGA DHALIN YAR TAHAY 3 SADAXAAD WAXA AAD DHAHDAY NIN MAAL LEH OO AAN FAQIIR AHEEN ILEEN FAQIIR LAMA RABEE WAXA AAN HAL KAAS AAD KU QALDAN TAHAY WAAYO QOF LACAG KU DHASHAY AANBA JIRIN 4 AFARAAD WAA SAX NIN JAAHIL AH LAMA RABO 5SHANAAD NINKA QURAXDA BADAN ILEEN KAN FOOLSHA XUN LAMA RABO WAAD KU QALDAN TAHAY QOF WALBA ILAAH AYA SI U ABUURAY AMA HA QURXANADO AMA HA FOOL XUMAADO ILAAH AYAA CALAF ISKU DARAY ADIGA MA DIIDI KARTID HADUU ILAAH KUU QORAY MID AAN LIXDIISA LIXAAD QABAN AYAA ILAAH KUU CALFI KARAA MIDAAS OGOW 6 LIXAAD NIN NASAB AH AYAA LA RABAA IILLEN NASAB DHIMAD LAMA RABEE TAASNA WAA QALAD AAD U WEYN WAAYO QOOM DHAN AYAA QALAD LOO FAQUUQAY OO DIIN IYO CILMI IYO WANAAG BADAN KUWA NASAB KA AAD SHEEGEYSO MARKA ILAAH U NAQO UMU SAHRO WAA IGA TALO

    ReplyDelete

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes