Sidee ku ogaan kartaa ninka bakhaylka ah

Sida aan ognahay bakhaylnimadu waa wax aad u xun, waxay keentaa inuu guriga darteeda la dumo, haddii ay aragto haweeneydu ninkeeda inuu bakhayl yahay waxay nacaysaa nolosha guriga, mana istaahilo nin bakhayl ah in lala noolaado marka waxaan kuu sheegaynaa astaamo lagu garto ninka bakhaylka ah






1- labadiisa waalid mid  ayaa bakhayl ah sida badan
2- wuxuu ka  fiiriyaa wax walba xaga lacagta
3- midabkiisa iyo codkiisa waa isbaddalaa markuu lacag bixinayo
4- wuu iska ilaalinayaa lacag inuu si fudud u bixiyo
5- dadka wuxuu kula dardaarmayaa inaysan wax bixinin
6- wax kasta lacag keeni kara waa ka baqayaa
7- cuntada kuma raaxaysto cunideeda haddii uu jeebkiisa ka bixiyay
8- dadka xaqooda ma siiyo, qofkii dadaal u sameeyana abaalmarin ma siiyo
9- inuu dad wax u hadiyeeyo aad bay u yartahay
10- inta badan dadka alaabtooda ayuu adeegsadaa wixiisana wuu ilaashadaa
 ==========================

 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes