Ma is weydiisay Magaca Somali meesha uu ka soo jeedo

Xaguu ka soo jeedaa macnaha erayga “soomaali”?


Tan iyo markii aan dabka ka baydhay, ee garaadkaygu i hagay, waxa aan marnaba maskaxdayda ka bixin su’aal aan u taag iyo maaro waayay, inbaddana isku dayay inaan ilaawo, balse igu noqotay laf dhuun gashay. Inkasta oo aan si dadban maanka uga saaray muddo sannado ku siman, haddana nolosha qurbaha ee lays haybsanayo dalka aad ka timi ayaa dib iigu celisay su’aalahaas madaxayga wareeriyay. Markasta oo aan qof ajnabi ah u sheego inaan ahay soomali waxa igu xigta asalka aan ka soo jeedo ma Afrikanbaa, ma carabbaa, mise waa wax kale.
Waxa taas barbar socota in madmadowga ku jira asalka iyo macnaha erayga Soomali aanan inbadan u helin jawaab waafiya waxa uu ka dhigan yahay Soomali.
Waydiimahaasi waxay igu dhaliyeen inaan u hollado sidii aan baadhis cilmiyaysan ugu samayn lahaa asalka erayga Soomali. Nuxurka qoraalo ajnabi iyo Soomaliba leh oo aan daalacay waxay igu noqdeen kud ka guur oo qanjo u guur, waayo waxan waayay jawaab keliya oo ka tarjumaysa baahida aan raadinayay. Qoraaladaasi waxay noqdeen kuwo isku lidi ah, oo qofba si u fasirayo.
Haddii aan waxoogaa daaha ka qaado fasirka laga bixiyey macnaha iyo asalka erayga Soomali, waxad ogaanaysaa in aynu nahay ummad ka arradan dhaqankeeda iyo taariikhdeeda, haddii aan degdeg wax looga qabanna taariikhda laynoo qori doono sida dhacdayba, oo markaas kolba meeshii la doono lagugu tilmaamayo inaad isir iyo sal ku leedahay.
Erayga Soomaali waxa uu ka kooban yahay laba eray: Soo iyo Maal. Haddii aad yar dhuuxdid labadaas eray waxa macnuhu noqonayaa ” soo lis”taas oo waxa la maalayaa noqonayo xoolaha. Markaa Soomaali-du waa bulsho xoolo maal ah, taasina waxay ku tusaysaa sida magacu ugu ladhan yahay dhaqanka soomalida, wuxuna runtii yahay kan ugu macquulsan fasiradaaha laga bixiyo asalka eraygaas.
Taariikhyahannada Carabtu waxay dhankooda ku fasireen dhawr macne, waxana ka mid ah in erayga Soomaal yahay magaca tog u dhow magaalada Sanca ee dalka Yemen , sida uu qabo oo ah wasiirkii hore ee arrimaha debedda Yemen, Axmed Al-asbaxi oo buug ka qoray Galaangalka Yemeni ku leedahay Geeska Afrika.Toggaas waxa ka haajiray mid kamida awoowayaasha Soomalida isaga oo ay weheliyeen qaar kamida qabiilkiisu, waxayna degeen dhulka Soomalida, sidaas ayaana magacii toggu u noqday mid aan ka hadhin oo loogu magacdaro dhulkii ay u hayaameen.
Carabtu waxa kale oo ay eraygan ku fasireen inuu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah: Samaa & ool. Erayga hore waxa uu yahay ” waran” kan danbena lahaansho ayuu ku tusayaa. Haddaba marka labada eray laysku daro waxa macnuhu noqonayaa ninkii waranka sitay; waana jawaab macquula oo ku tusinaysa qayb kamida dhaqanka soomalida ee warmo ku dagaalanka.
Sidoo kale waxay carabtu sheegaan in uu jiray nin Samaale la odhan jiray kaas oo walaalkiis isha ka tuuray, ninkaas oo magaca kula baxay falkaas uu gaystay sida lagu sheegay buuggaas kor ku xusan. Erayga Samaal markaas waxa carabtu ugu yeedhaa falka qof indhaha looga tuuro, sida qaamuusyada qaarkood sheegayaan. Ninkaas ayaa markaa deganaa geeska Afrika dhulka Soomalidu degto. Fasirkan ayaa laftiisu yahay mid shaki badan leh, oo aan jawaab waafiya bixinayn balse ku kooban aragti qof ama kooxi qabto. Taarikhyahannada Afrikanku waxay tilmaamaan in dad loo yaqaanay Samaale oo degi jiray geeska Afrika gaar ahaan waqooyiga Kenya ay usoo guureen dhankaas iyo badweynta hindiya iyo badda cas, kadib markii abaaro ku dhufteen, sidaas darteedna dhulkii ay degeen la yimaadeen magacoodii.
Isla buugga wasiirkaasi qoray, waxa ku jirta In erayga Soomali kasoo jeedo magaca “Ismaaciil” oo ahaa mid kamida awowga qabaa’ilka Soomalida, haseyeeshee soomalida ayay ku adkaatay inay ku dhawaaqaan labada xaraf ee ” Alif hamsaha carabiga” iyo ” C’da ” , waxana soo hadhay Smaal taas oo sidii loo wadwaday ugu danbayn ku biyo shubatay Soomaali.
Waxase inbadan oo taariikhyahannada ahi isku waafaqeen in markii ugu horraysay ee erayga Soomaali la maqlo ahayd qarnigii 14aad, waqtigaas oo boqor xukumi jiray dhulkii Xabashida oo magaciisu ahaa Yashik, uu sameeyey koox fanaaniin ah kuwaas oo uu faray inay hees usoo sameeyaan ay kaga hadlayan guul dagaal oo uu ka gaadhay mid kamida magaalooyinka Muslimiintu deganaayeen ee geeska Afrika taas oo ay qabsadeen xabashidu. Heestii lasoo sameeyey ayaa markaas lagu maqlay erayga “Soomaali”. Hadal kaas u dhow oo taariikhyahannada qaarkood qabaan waxa uu leeyahay in boqorkii Xabashidu uu diray nin amaanduule ah oo la odhan jiray “Sawma” si ciidamo uu hogaaminayaa uga dagaalamaan xeebaha Zaylac, waxana la sheegaa in guushii ay gaadheen ciidamadaasi kadib dhulkaas loogu magic daray ninkii amaanduulaha ahaa, sidaasna magaciisii oo muddo kadib isbedel dhanka dhawaaqa ahi ku dhacay uu ugu danbayntii isu bedelay Soomaali. Kooxda aaminsan fekerkani waxay daliil ka dhigayaan in dalka Masar loogu magic daray nin amiir ahaa oo Masar la odhan jiray.
Si kastaba ha ahaatee, waxa cad in magaca Soomaali noqday sida cinjirka oo kolba dhan loo kala bixinayo, taasna ay sal u tahay xaqiiqda jirta ee ah ” Haddii aad taariikhdaada qoran waydo, waa laguu qori” waxadna sugtaa in marka danbe lagugu qabsadoba dhulka aad degan tahay oo lagaa kiciyo sida lagu sameeyey hindidii cascasaa ee Waqooyiga Amerika deganayd. Haddii aadan garanayn halka aad kasoo jeedo, muxuu kuugu jilan yahay magaca aad sheeganaaysaa ee Soomaali? Waa su’aal aan u dhaafayo akhristayaasha.

Axmed Maxamuud Cilmi
shawqi06@hotmail.com
samaaltv.com
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes