Wiil yar oo jirkiisu Magnad yahay

Bogdan waa wiil yar oo 7 sano jir ah, waxa uu jirkiisu noqday mid magnad ah, iyadoo alle uu awood u siiyay in sida magnadka oo kale uu shey kasta oo magnadku qabto uu jirkiisu soo qabanayo.
Bogdan sida Sawirada iyo Muuqaalka aanu idiin soo bandhignay aad ku arki doontaan, waxa uu xabadkiisu magnad ahaan u qabanayaa shay kasta, iyadoo bir iyo dhoob midna aanuu u kala saareynin.
7 jirkan waxa uu u dhashay dalka Serbia,sida reerkiisu sheegeen looma ogola inuu fariisto goobaha ay ka ag dhaw yihiin walxaha korantada ku shaqeeya sida Kombiyuutarada,Telefishinka, maxaa yeelay waxa uu jirkiisu si toos ah sidii magnad oo kale ugu dhagayaa qalabkaas.
Marka laga soo tago halista reerkiisu sheegeen inay ka ilaaliyaan, waxa uu jirkiisa magnadka ahi u xifdiyay reerka Telefishin hagaha (Remote control), kaas oo inta badan guryaha reeraha caruurtu ay lumiyaan.
Bogdon wax culeys ah ma dareemayo, sida wariyaha tv-ga MSNBC uu ku soo waramay, iyadoo arrintani shaki aysan ku jirin inay kamid tahay Mucjisooyinka iyo awoodaha dadka qaar uu alle siiyay.

 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes