Nin naftiisii ku waayay korfadhiga komputerka

Qabatinka ama laasimida aalada kumbuyutarka ayaa xilligan dad badan waxay ku tahay mid ay u isticmaalaan si aan  kala joogsi lahayn, iyada oo ay inta  u sii dheer tahay isticmaalka Internet-ka oo uu dilooday. Nin u dhashay wadanka Shiinaha ayaa dhawaan naftiisii qaaliga ah ku waayey adeegsiga kumbuyuyatar ka dib markii uu dul fadhiyey mudo sadex maalmood ah oo aanu waxna cabin waxna cunin.
Wargeyska ayaa sheegay in ninkan uu khamaar ciyaarayey, isagoo laga helay lacag ku dhaw 1500 oo doola. Taasi oo keentey in uu ku mintido qamaar ciyaarkiisa ilaa uu soo ceshado lacagtiisii, hase yeeshee taasi waxay keentey in aanu waxba cunin oo waxba cabin mudadaas.
Wargeysku wuxu xusey in dalka Shiinaha 33 milyan oo dhalinyaro ahi ay qabitimeen qamaar ciyaarka komputerka oo ay ka kicin komputerada. Tanina waxa ay si weyn uga yaabisay laamaha caafimaadka wadankaasi. Shiinaha 450 milyan oo qof ayaa isticmaasha Internet-ka taasi oo ka dhigaysa wadankaasi halka ay ku nool yihiin dalka ugu badan ee isticmaala komputerka.
source: somalilandedu.com
 

Talo haddii aad u baahan tahay booqo maamulka talooyin

maamul.com

Haddii aad xaas leedahay booqo

No comments:

Post a Comment

Copyright © Xidig The latest news and headlines . All rights reserved. Template by CB | Published By Kaizen Template | GWFL | KThemes